Kulan ay ka qeybgaleen Duubabka Dhaqanka gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe, gudiga fududeeynta shirka Maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, iyo ururrada haweenka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo dedejin laha shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Gudoomiyaha ururuka haweenka Qaranka Marwa Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa Duubabka ku boorrisay inay dadajiyaan soo xulista ergada shirka, waxaana ay kula dardaarantay sodon boqolkiiba inay u qoondeeyaan haweenka Labada gobol ka soo jeeda.
Duubabka Dhaqanka ayaa sheegay in shirku uu gabagaba marayo haddana ay socoto qorshaha xereynta Ergooyinka iyagoo soo dhaweeyay aragtida haweenka ee ku aaddan inay xubno muhiim ah ka helaan goloyaasha maamulka loo sameeynayo Labada Gobolee Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,
Wabar Maxamed Wabar Axmed Xoghayaha Ururka Duubabka Dhaqanka iyo Xoghayaha Ururka Haweenka Qaranka Faadumo Aadan Cosoble ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kulanka oo muhiim ahaa uu ku soo dhamaaday Guul iyo is afgarad.