Suuq cusub oo loogu tala galay in lagu iibiyo hilibka iyo qudradaย isla markaana maamulka Dagmada Galkacyo ee Galmudug uu ka hirgaliyayย bartamaha Suuqa weyn ee magaaladaasi ayaa maanta waxaa si rasmi ah xariggaย uga jaray duqa dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo ay wehliyeenย mas’uuliyiin ka tirsan golaha deegaanka dagmada Galkacyo.
Xirsi Yuusuf Barreย gudoomiyaha Dagmada Galkacyo oo ka hadlayย munaasabada xarig jarka suuqaasi cusub ayaa faah faahin ka bixiyayย ujeedada loo dhisay suqaan iyo ahmiyada uu u leeyahay bulshada
Galkacyo.
โSuuqaan waxaan ku dhisnay Canashuurtii aan idinka qaadnay Waxaana Uguย tala galanay In waxyaabaha lagu iibiyo banaanka oo ay ka mid yihiinย qudaarta iyo hilibka aad ku gadataan Maamulka Waxa uu diyaar u yahayย in wixii uu idinka qaado canshuur ahaan uu dib idinkugu soo celiyo ooย adinka wax idinku guqabto Suuqaan haddii horay loo oran jiray darxumoย Maanta waxaa lagu magacaabaa daryeel Midda kale maamulku wuxuu idinย diyaarinayaa goobo asturan oo aad wax ku iibsataan Maanta kadibna Maย ogalaan doono in dariiqyada wax lagu iibiyoโ ayuu yiri Duqa dagmadaย Galkacyo xirsi Yuusuf Barre
Hirgalinta suuqaan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay qeybaha kalaย duwan ee bulshada ku ganacsata suuqa weyn ee magaalada kuwaasooย qaarkood ahaa kuwaย ku ganacsada wadooyinka cariirigaa ee dhaxmara
suuqa weyn ee Galkacyo.
Sawir qaade C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)


















