Saturday, April 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixin ku saabsan tuulada Ceelguduud Gedo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Ceel guduud waxay ku taallaa Bartamaha Gobolka Gedo waxaana dhinaca bari ka xiga magaalada Garbahaareey,  dhinaca koonfurgalbeedna waxaa ka xiga Ceel waaq,  jahada waqooyi waxaa ka xiga  Beledxaawo, halka dhinanka Galbeedna ay ka xigto  Ceel cadde.

Nolosha dadka ku nool magaaladaasi waxey ku tiirsantahay ganacsiga iyo xoolaha iyadoo dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool miyiga ku hareereeysan magaaladaasi ay usoo arooraan una iib geeyaan xoolahooda  magaalada Ceel guduud,

Related posts

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026

Magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Gedo waxa ku yaala hal ceel biyood oo ay si wada jir ah u isticmaalaan dadka ku nool magaaladaasi iyo kuwa reer miyiga ah oo u soo aroora xilliga jiilaalka..

Adeegyada bulshada ee magaaladaasi leedahay waxaa ka mid ah Dugsi hoose dhexe, mana laha xarumo caafimaad oo dabooli kara baahida bulshada ku nool magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaankaasi waa beeraley kuwaasoo xiliyada roobka tacbada beerahooda iyadoo soo saara dalagyo an sidaa u badneyn oo ay ku maareeyaan noloshooda.

Bulshada ku nool deegaankaasi ayaa ka cabanaya dhibaatooyin xad dhaaf ah oo ay ku hayaan maleeshiyaadka Shabaab ee ku dhuumaaleeysta buuraha kulaala Tuulada Ceelguduud Laga soo Bilaabo ilaa dabayaaqadii 2008-dii.

Ciidamada dowladda oo howlgal ka sameeyay .02/07/2015  buur 3 km u jirta tuuladaasi oo ay saldhig ku leeyihiin Shabaab ayaa ku guuleeystay iney xabsiga ka sii daayaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo u xirnaa maleeshiyaadka Shabaab.

Waxaa xusid mudan in maxaabiista ka baxsatay xabsigaasi ay ka mid aheyd  hooyo Soomaaliyeed oo dil ugu xukunayd Shabaab taasoo heysatay Lix  caruur ah, laguna magacaabo  Deeqo Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool deegaankaasi ayaa qaati ka taagan dhibaatooyin isugu jira dil, handadaad iyo dhac ay xoolahooda u geeysanayaan kooxda Shabaab.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray dalka Jabuuti

Next Post

Ganacsade Caawa Gaalkacyo lagu dilay

Next Post
Ganacsade Caawa Gaalkacyo lagu dilay

Ganacsade Caawa Gaalkacyo lagu dilay

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

April 25, 2026
0

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta we Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku qabatay kulan xarunta Safaaradda Soomaaliya kaas oo ay u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah  la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhigiisa Dalka Cumaan

April 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa wadahadallo rasmi ah la yeeshay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Caleemo saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi

April 25, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad dhaqan oo lagu caleemo-saarayay Ugaas Cabdirisaaq...

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

Munaasabadda Caleemo-saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde) oo ka socota Muqdisho

April 25, 2026
0

RADIO MUQISHO:-Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayo Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullahi (Faracadde), oo ah ugaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In