Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay weerarkii dhawaan lala eegtay saldhig kooxda Shabaab ay ku lahaayeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose, iyadoo howlgalkaasi lagu diley tiro maleeshiyaad ah oo kooxdaasi ka tirsanaa.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo Maraykan ah oo ku dhaawacmay weerar ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku qaadeen deegaanno ka tirsan degmada Afgoye.
Wuxuu sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeyn ku dileen Shan ka mid ah maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab intii uu socday howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Caanoole ee gobolka Sh/hoose,
โCiidamada Maraykanka waxa ay la taliyaal u ahaayeen ciidamada Uganda ee ka mid ah AMISOM markii ay howlgalo ay ku doonayeen inay ku joojiyaan in lacago sharci daro ah lagu qaado baro kontarol oo ay Shabaab lahaayeen.โayuu yiri Afhayeenka.
Captain Jeff ย Davis ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo Maraykan ah oo ku dhaawacmay iska horimaadkan ka dhcay galbeedka magaalada Muqdisho sida ay daabacday wakaaladda wararka Reuters.
โCiidamada Maraykanka kama qeybqaadan dagaalka balse waa ay agdhowaayeen balse si toos ah uma gelin dagaalka,โ Davis ayaa ka sheegay gudaha aqalka ย Pentagonka isagoo warbiixn kooban bixinayay isagoo intaa sii raaciyay in ay ciidamada Maraykanka ay halkaa u joogeen la talin oo kaliya.