Barnaamijka kulanka todabaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa waxaa maanta marti ku ahaa Guddiga dib u eegista doorashooyinka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo faah faahin ka bixiyay halka ay marayyaan howlaha guddigaasi loo xilsaaray.
Xubnaha guddiga ee barnaamijka kulanka martida ku ahaa ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaanada kala ah Maryan Aweys Jaamac, C/samad Macalin Maxamuud iyo Shariiif C/lle, iyagoo caddeeyay in aysan jiri doonin muddo kordhin loo sameeyo doorashooyinka dhacaya sanadkaan 2016-ka, iyagoo intaa ku daray in shacbiga Soomaaliyeed aysan walwal iyo wax dareen ah ka muujin dib u dhigidda doorashooyinkaasi.
Mas’uuliyiintan ayaa intii uu barnaamijku socday ka jawaabay su’aalo ay soo weydiiyeen qaar ka mid ah dhageystayaasha barnaamijka ee ku kala sugan dalka iyo dibadda.
Halkan hoose ka dhageyso