Shirkan oo ay so agaasintay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul aadanaha Xukuumadda soomaaliya, isla markaana uu shir guddoomninayay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte loogana hadlayey xadgudubka ku saleysan Jinsiga e ka dhaca dalka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuuquul aadanaha, kuxigeenka ergeyga gaarka ah e Qaramada Midoobey u qaabilsan soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya,safiirka dowlada Ingariiska u fadhiya dalka,Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale
Dood is weedaarsi iyo falanqeyn dheer kaddib waxa goobta hadalo kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah mas’uuliyiinti madasha iskugu yimid o dhamaantood ka mahad celiyey qaabka ay iskugu howshay Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda insaanka diyaarinta sharci ku qotoma ka hortaga xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ahmiyada koowaad siineyso sidii loo meel marin lahaa sharciga ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka, isla markaana ay dhaqan gelin doonaan, isagoo wakiilada beesha caalamka ka codsaday inay door ka qaataan.
Wasiirka Wasaaradda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo shirka kaddib saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in sharciga ay soo diyaariyeen uu ku saleynsanyahay diinta Islaamka iyo xeerka madaniga ah ee u degsan dalka, ayna horgeynayan labada gole ee dowladda.
Dhanka kale Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee dowladad Switzerland u soo magacawday dalka danjire Ralf Heckner oo lagu badalay kii hore, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labda dal, sidii dowladda Switzerland Soomaaliya uga caawin lahayd hirgelinta nidaamka Federaallka iyo inay xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Kulanka ayaa ku soo idlaaday isafgarad, iyadoo Safiirka cusub uu balan qaaday in uu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Sawir Qaade:-Maxamed Macalin Xasan White-ka