Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo la kulmay Amiirka Kuwait “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo la kulmay Amiirka Kuwait “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

13223437_1037761542969305_575367008_oWafdi balaaran oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Sareeyo Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo ay wehliyan Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Saraakiil sar sare ayaa goor dhow soo gaaray Dalka Kuwait.

Wafdiga Wasiirka waxaa madaarka ku soo dhaweeyay Madax sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Kuwait iyo Safiirka Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, iyadoo wafdiga Wasiirka markiiba loo gudbiyay qasriga Madaxtooyada Kuwait, halkaas oo uu ku qaabileen Amiirka Kuwait Sheekh Sabax Al-Axmed Al Sabaax.

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

Kulanka Amiirka kadib waxaa Wafdiga Wasiirka loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Kuwait oo kulan gaaban kula qaatay Xafiiskiisa.

Wafdiga Wasiirka oo ka kooban Saraakiil Sar Sare oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Adan Axmed, Taliyaha Ciidanka Cirka S/Guuto Maxamed Sh Cali Maxamud, Taliyaha Ciidanka Badda Madey Nurey Sheekh iyo Saraakiil kale oo sarsare ayaa kulamo shaqo la wadaagi doono dhigooda Difaaca Kuwait iyada oo booqashadani tahay mid aad u sareysa oo laga filayo in ay horey u qaado Iskaashiga xagga amniga ee labada dal.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo aan wax ka weydiinay socdaalka Wafdigan ayaa noo sheegay in booqashadani tahay mid gaar ah oo muujineysa sida ay dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwait uga go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiso arrinta Amiga oo ah mushkiladda ugu weyn ee maanta Dalkeena ka taagan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kuwait oo mar walba ahaa mid aad u sareeya oo ku dhisan walaalnimo iyo iskaashi ayaa hadda u muuqda in uu sii xoogeysanayo marka aad eegto sida weyn ee loo soo dhaweeyay Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, oo markii Madaarka laga soo qaaday toos loogu galbiyay Amiirka Kuwait, taas oo ah mid aan wafuuda heerkan ee Dowladaha kale u sahlaneyn.

1 2 3 13223437_1037761542969305_575367008_o 13223559_1037725549639571_1925782385_o 13225203_1037725539639572_951118386_o 13234762_1037725499639576_1066463582_o

Previous Post

Madaxweynaha oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Koonfuur Korea iyo Switzerland “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐จ๐จ๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐š๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฆ๐ฎ๐ช๐ซ๐š๐š๐๐ข๐ฒ๐š๐๐a

May 10, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In