Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Dr. Jean Chrysostome Ngabitsinze, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Agaasimaha Guud ee Hay’adda African Risk Capacity (ARC). intii uu socday shirka COP31 ee ka dhacay magaalada Antalya, Türkiye.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga maalgelinta khataraha musiibooyinka, ballaarinta adeegyada caymiska, horumarinta nidaamyada digniinta hore iyo xoojinta u diyaar-garowga saameynta isbeddelka cimilada.
Labada dhinac ayaa isla qaatay dardargelinta iskaashiga iyo in xogta digniinta hore loo beddelo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu ilaalinayo nolosha iyo hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Hay’adda African Risk Capacity (ARC) uga mahadceliyey dadaalladeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo taageerada dhinacyada maareynta khataraha musiibooyinka.











