Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’ysulwasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta hor tagaya golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.
Madaxda dalka ugu sarraysa ayaa lagu wadaa iney mudanaasha kala hadlaan sidii loo dardargelin lahaa ansixinta suurto gal nimada doorashooyinka dhici doona daba yaaqada sanadkan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay ugu soo gudbisay golaha baarlamanka qorshaha dadejinta doorashooyinka,taasoo uu ku yimi dib u dhac markii uu muran ka dhashay qaabka loo wajahayo sharciyada doorashooyinka Augost 2016-ka.
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.
Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...












