Shirka wada tashiga ah ay soo qaban qaabisay Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga dalka, ayna ka soo qeybgalaeen mas’uulayiinta qaar ka mid ah Wasaardaha dowladda Federaalkaiyo xubna ka socday Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo looga hadlayay sidii iskaashi ay u yeelan lahaayeen wadamada soo karaya oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.
Mas’uulayiinta ka qeyblay shirka ee ka socday hay”adda South-South Cooperation oo hoos timaada Qaramada Midoobay iyo Wasaaradaha dowladda Federaalka ayaa la isku dhaafsaday aragti la xariiriira halka Soomaaliya ay iminka ka joogta arrimaha dhaqaalaha, wax soorka iyo teknoolijiyada, iyadoo xubnahii ka socday Jimiciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ay aad u amaaneen horumarka ay Soomaaliya ay ka sameysay arrimahaasi.
Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisiis Cabdi Diirshe oo Warbaahinta Qaranka la hadlay shirka kaddib ayaa sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu intaa ku daray inay joogteynayaan shirarka nuucaani oo kale ah.
“Shirkan waxa uu ku saabsanaa iskaashiga wadamada soo koraya iyo sida ay isaga kaashan lahaayeen horumarinooda, waxaana la aruurinayaa xog dhab ah oo ku saabsan xiriirada ka dhexeeya wadamada soo koraya, si wada jir looga wada shaqeeyo baahiyaha muhiimka ah, waxaana qorshuhu yahay in wadamada soo koraya ay ka xoroobaan kaalmada shisheeye” ayuu yiri Cabdisiis Cabdi Diirshe.