Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wadahadley xoojinta iyo iskaashiga labada dal “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi, 7 June 2016 (Villa Somalia): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta, ayaa maanta kulan saacado badan qaatey ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee magaalada Nairobi.

Labada Madaxweyne ayaa isla gorfeeyay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, arrimaha amniga, iskaashiga dhaqaalaha, isku socodka shacabka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, wax alaale wixii caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.

“Soomaaliya iyo Kenya xulashada keliya ee ay haystaan waa inay ku noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wadaqabsi. Waxaan xaqiijinayaa in Soomaaliya ay daa’imi doono saaxiibtinimada iyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Kenya’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa isna dhankiisa xusay in Soomaaliya iyo Kenya ay wax badan wadaagaan, isla markaana hadafka uu yahay in lagu wada noolaado xasilooni, nabadgelyo, barwaaqo iyo iskaashi dhan kasta oo labada shacab dan u ah.
“Waxaan rumeysanahay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku yihiin dal qura oo gumeysiga uu kala qeybiyay. Sida muuqata waxaan nahay dad isku mid ah oo wax walba wadaaga. Waxaana dowladdeyda iyo shacabkaba ka go’an inay taageeraan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale dib isugu soo laaban doona beri, markaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo wadahadalka labada dhinac, lagana soo saaro war murtiyeed.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeybgaley mas’uuliyiin ka socotey labada dowladood.

IMG_1657 IMG_1658 IMG_1659 IMG_1660 IMG_1661 IMG_1662

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ururka Dhallinyarda Gobolka Hiiraan oo gurmad fidin U sameeyay Qoysaska Ay Saameysay Fatahaada “SAWIRRO”

Next Post
Ururka Dhallinyarda Gobolka Hiiraan oo gurmad fidin U sameeyay Qoysaska Ay Saameysay Fatahaada “SAWIRRO”

Ururka Dhallinyarda Gobolka Hiiraan oo gurmad fidin U sameeyay Qoysaska Ay Saameysay Fatahaada "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In