Buugaan oo loogu magacdaray dhageysashada codadka oo laga diyaariyay Soomaali u badan haween oo ku nool Koonfur Afrika ayna soo diyaarisay Hay’adda Action Support Center oo kaashaneysa Jaaliyadda Soomaali Community Board ayaa waxaa lagu soo bandhigay Johannesburg.
Madasha lagu soo bandhigayay Buugaan ka hadlayay Soomaalida K/Afrika ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah Soomaalida ganacsatada ee Johannseburg ayadoo ay kasoo qeyb galeen mas’uul ka socday waaxda bixinta sharciyda (Home Affairs), Hay’adda JRS, Haweeney ka tirsan Ururka Haweenka Koonfur Afrika, qaar ka mid ah jaaliyaddaha la nool Soomaalida, mas’uuliyiin ka socday hay’adda Action Support Center iyo hogaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa hadalo lagu dhiirigalinayay soo saarida buugaan ka jeediyay xubnihii ka soo qeybgalay.
Gudoomiye kuxieenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Cabdullaahi Bashiir Mahdi, oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka sheegay in buugaan ay ku jiraan qisooyin xanuun badan.
” Buugaan waxaa iska kaashaday soo saaristiisa Somali Community Board iyo ha’adda Action Support Center intii aan wadnay qoraalka Buugaan waxaan la sheekeysanay Wariyaal Soomaaliyeed,Haween iyo dad kale waxey ka sheekeeyeen Qisooyin xanuun ku reebay quluuubtooda” ayuu yiri C/laahi Gaab.
Gudoomiyaha xaafada Soomaalida kaga nooshahay magaalada Johannesburg ee Mayfair mudane Jerry Musesi oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay buugaan laga qoray dhibaatooyinka Soomaalida ay dalkooda iyo Koonfur Afrika kula kulmeen ayaa sheegay in buugaan ay ku faafin doonaan goobaha ay dadka Koonfur Afrikaanka ah ku kulmaan si ay u ogaadaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kasoo carareen ee aysan dhaqaalo doon aheyn.
Buugaan ay soo bandhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo hay’adda Action Support Center ayaa ka mid noqonaya buugaag horay looga qoray Soomaalida qurba joogta ah ee iyagu gudaha Soomaaliya dhibaatooyin ay uga soo carareen ay haddana kuwo kale oo ka daran ku qabsadeen wadamadii ay tageen oo ay South Africa ka mid tahay.
WD: C/qaadir Axad-Johannseburg