Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo si rasmi ah Baydhabo uga furay shirka madasha wadatashiga Qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo si rasmi ah Baydhabo uga furay shirka madasha wadatashiga Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed, si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in ujeeddada iyo xikmadda ka dambeysa dhismaha Madasha Hoggaamiyeyaasha qaranka ay tahay in la helo nidaam la isla wada oggol yahay, iyadoo laga duulayo mabda’a ah in lagu dhaqaaqo wixii maanta la qaban karo, isla markaana aan gadaal looga laaban hawlaha dib u dhiska siyaasadda Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

“Danta caamka marka la hormariyo ayaa tan gaarka ah la gaari karaa. Waxaan halkan isugu nimid inaan Soomaaliya horay u dhaqaajino, waddada horumarkana aan u horseedno. Maanta waxaan halkan ku soo gaarney inagoo wadajirna oo aan khilaaf iyo isqabqabsi jirin. Waxaa naga go’an inaanu dalku marnaba gelin marnaansho siyaasadeed, oo aan diyaarino nidaam awoodda dalka la isugu wareejiyo nidaam dimoqraadi ah oo nabadeed’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in qof kasta oo Soomaaliyeed uu karaamo, xuquuq iyo xushmad ku leeyahay dalka, isla markaana loo baahan yahay in la yareeyo cabsida iyo kalsooni la’aanta laga dhaxley xilliga colaadaha.

Madaxweynaha ayaa Yiri “Waxaan doonayaa inaan mar kale shacabka Soomaaliyeed u sheego in caalamku uu garab inaga siin karo dhinacyo badan, balse marka ay timaaddo arrimaha siyaasadda ay tahay mas’uuliyad iyo hawl u taalla Soomaalida oo keliya. Waxaa hubaal ah in kulamada noocaan ah ay abuuri karaan kalsooni dhexdeena ah, mid beesha caalamka ka timaadda iyo in ugu dambeyntii aan dhabbada saarno waddada horumarka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya laga dhaqan geliyey uu waddanka u horseeday in taako kasta oo dalka ka mid ah maamul uu ka jiro, taasina ay gacan ka geysaneyso sugidda amniga iyo baahinta xukunka.

Waxaa sidoo kale shirka hadalo ka jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada.

Qodobada ugu waaweyn ee la filayo in looga doodo shirkan ayaa waxaa ka mid ah doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan, saadka iyo amniga doorashada, saamiga haweenka ee goleyaasha dowladda, sameynta guddiga xallinta khilaafaadka ee doorashada, arrimaha dib u eegista dastuurka, iyo hannaanka dib u dhiska iyo dib u habeynta booliska.

baydhabo14 baydhabo16

baydhabo15

baydhabo17

baydhabo24

baydhabo20

baydhabo16

 

 

Previous Post

Daawo Sawirrada: Sida diirran ee madaxweynaha maanta loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Arrimo dhowr ah

Next Post
Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay “Warbixin+Sawirro

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Arrimo dhowr ah

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In