Thursday, January 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Isbitaal cusub oo laga dhisi doono Warsheekh-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Isbitaal cusub oo laga dhisi doono Warsheekh-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda dhagax dhigga cusbitaalka oo loogu tala galay hooyada & dhallaanka degmada Warsheekh ayaa waxaa ka qeybgalay, maamulka degmada iyo xubno ka socday qaybaha Kala duwan ee bulshada ku nool degmada Warsheekh.

Dhaqaalaha dhismaha cusbitaalka oo ay iska iska kaashanayaan qeybaha bulshada ee ka soo jeedda degmadaasi, ayaa waxaa si wadajir ah u dhagax dhigay, Gud.Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed iyo Sh.Qaasim Sh.Cabdi Ow Cumar, oo ah Shiikha Degmada Warsheekh.

Related posts

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

January 15, 2026
Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026

Sh Qaasim Qaasim Sh Cabdi, ayaa ugu horeeyntiiba hadalo duco, guubaabo iyo mahadnaq isagu jiray u  jeediyay dadkii gacanta ka geeystay Biloowga Dhismaha Cusbitaalka.

Jawaahir Baarqab, oo ah guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Banaadir oo kamid ah masuuliyiintii ka qeybgashay xafladda dhagax dhigga ayaa sheegtay in faa’ido weyn uu Cisbitaalku u leeyahay ka warqabka xaaladda caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka degmada.

“Wadada dheer ee aan soo marnay oo gabdhaha marka la qaado ay ku dhimanaayeen oo marna meel la geeyo, Jowhar ama Xamar ay ahayd meesha ugu dhow, Maanta waa alle mahaddii ay Hooyada Soomaaliyeed ee degmada Warsheekh ku nool ay heshay baahidii iyo Xuquuqdii ka maqneyd” ayay tiri Jawaahir.

Gudoomiyaha degmada Warsheekh Axmed Xuseen Shiidka, oo soo gabagabeeyay xafladda dhagax dhigga cusbitaalka, ayaa sheegay in uu maamulka gacan ka geeysan doono hubinta dhaqaalaha la soo aruuriyay si loogu dhammeeystiro Mashruuca dhismaha Cusbitaalka.

“Degmada Warsheekh maanta kadib waxa ay leedahay cisbitaalkii hooyada iyo dhallaanka waxaan rajeneynaa in si dag dag ah ku soo dhamaado dhismaha Cisbitaalka maanta la dhagax dhigay, degmaduna arrintaan si gaar ah ayay ahmiyad ugu leedahay, dhaqaalaha lasoo uruuriyayna waxey ku bixi doonoon sidii loogu talagalay”. Ayuu yiri Mudane Shiidka.

Magaalo Xeebeedka Warsheekh, waxa ay qiyaastii 75Km dhinaca Waqooyi uga beegantahay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Waana dhul Deexeed sidoo kalana dadkeedu dhaqaale ahaan ku tiirsanyahay Dhaqashada Xoolaha nool iyo Kalluumeysiga.

IMG_20160627_124112_1CS (1)  IMG_20160627_141823_1CS IMG_20160627_141914_1CS (1) IMG_20160627_142957 IMG_20160627_143009 IMG_20160627_151446_2CS IMG_20160627_151537_2CS IMG_20160627_151703_1CS IMG_20160627_161118 IMG_20160627_161126_1

Previous Post

Wasaaradda arimaha gudaha oo raashiin u qeybisay isbitaalo ku yaala Muqdisho

Next Post

Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Hay’adda Somali Relief Network of north America oo afurin u sameyn dad danyar ah “SAWIRRO”

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

Wasaaradda Gaashaandigga oo daahfurtay tababar lagu horumarinayo aqoonta hawl-wadeennada wasaaradda

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa maanta furay tababar ku saabsan Hanti-dhowrka Gudaha, kaas...

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada XFS oo kormeer ku tagay Wasaaradda Hawlaha Guud ee maamulka Waqooyi Bari

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LAASCAANOOD):-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, ayaa maanta kormeer shaqo ku...

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

Ciidamada Sirdoonka NISA oo hawlgal culus ka fuliyay gobolka Jubbadda Dhexe

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JUBBADA DHEXE):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku hawlanaa, fulinta...

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha XFS oo booqday xarunta Ururka Midowga Shaqaalaha Turkiga ee MEMUR-SEN

January 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TURKY):-Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalim Caliyow Ibrow, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In