Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaafadda Saybiyaano Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku qabtay gaari ay saaranyihiin Hub iyo Walxaha Qarxa, kaas oo argagixisada Al-shabaab ay dooneyseen in ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa Radio Muqdisho u sheegay in gaariga la qabtay ay saarnaayeen xabadaha Baasuukaha, Laba qori oo AK47, ah Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo in uu dadka waxyeello baahsan gaarsiiyo iyo qalab kale oo ay u adeegsadaan qaraxyada.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada Hey’adda NISA ay markiiba ay qaraxa ka fureen gaarigaasi, isagoo xusay in qabashada gaarigan ay gacan ka geysteen shacabka ku nool xaafaddaasi.
Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Afhayeenka gobolka Banaadir