Kulankan oo lagu taageerayay go’aankii dowladda Mareykanka ay uga qaaday xayiraadii dhaqaale oo muddo 15 sano ah saarneyd ganacsade Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Nuur Yuusuf Nuur, oo ku hadlayay magaca dhalinyarada kulanka ka qeybgashay ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay go’aanka xayiraada looga qaaday ganacsade Sheekh Axmed Nuur Jimcaale,waxaa uuna sheegay in ay soo dhaweynayaan xayiraada laga qaaday ganacsadaha.
Sidoo kale dadkii kulanka ka hadlay ayaa waxaa si isku mid ah uga hadleen sida ay muhiim u tahay xariyaad ka qaadista ganacsade Axmed Nuur Jimcaale maadaama uu kamid yahay ganacsatada waa weyn ee Soomaaliyeed.
Sheekh Axmed Nuur Jimcaale, oo ah aas aasaha shirkadda isgaarsiinta ah ee Hormuud oo horey loo oran jirey Al-barakaat ayaa xayiraad dhaqaale dowladda Mareykanka ay ku soo rogtay muddo 15 sano ka hor ah kadib markii lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay ururka Al-qaacida, iyadoo dowladda Mareykanka ay go’aankaas hadda ka laabatay markii lagu waayay arintii lagu tuhmay.