Tuesday, May 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Xerada Kaakuma-SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kenya Oo Booqday Xerada Kaakuma-SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta booqday afarka xero ee ay deggan yihiin qqxootiga ku nool Kaakuma, isagoo wada hadal ku saabsan xaaladda qaxootiga Soomaalida ah la yeeshay masuuliyiinta gobolka Koofurta Turkaana iyo masuuliyiinta hay’adda UNHCR.

Masuuliyiinta UNHCR ayaa sheegay in 28 qof oo Soomaali ah ay si iskood ah ugu laabteen waddankooda ayaga oo ka faa’iideysanaya heshiiska 3 gesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya, UNHCR iyo dowladda Kenya. Sidoo kale 198 qof ayaa is qoray si ay dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026

Xerada qaxootiga ee Kaakuma waxaa ku nool56000 oo qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan dhallinyro. Suuqyo ganacsi ayay Soomaalidu ku leeyihiin xerada, ayadoo tiro badan ay dugsiyada aadaan. Horjoogayaasha qaxootiga oo la hadlay danjiraha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin in ay helaan waxbarasho sare oo jaamacadeed, dhaqdhaqaaq u sahla in ay magaalooyinka tagaan iyo in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay soo booqdaan si ay u dareemaan in dad metela ay jiraan.

IMG_1666Danjiraha ayaa u sheegay dadka Soomaaliyeed ee ku jira xeryahaan in dalka Soomaaliya uu horumar badan sameeyay, isla markaana dadka doonaya in ay ku laabtaan la siinayo talooyinka iyo warbixinnada ay u baahan yihiin, marka ay go’aansadaan in ay laabtaana la taageeri doono.

Dhinaca jaamacadaha ayuu sheegay in dowladdu ay ka taageereyso dhallinyarada dugsiyada sare dhameeyay, kuwaas oo minxo wxbarasho looga heli doono dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Danjiraha ayaa booqday dugsiga hoose ee Muqdisho oo ay wax ka bartaan in ka badan kun arday oo Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu 100 kartoon oo timir ah ku wareejiyay horjoogayaasha qaxootiga si ay afur uga dhigtaan maalmaha ka dhimman Soonka.

Xerada Kaakuma waxaa ku nool 191 kun oo qof, kuwaas oo ka kala yimid 14 waddan. Dadku ugu badan waa kuwa ka yimid Koofurta Suudaan, halka kaalinta labaad ay ku jiraan Soomaalidu. 22 dugsi hoose ayaa ku yaalla xerada , halka dugsiyada sare ay yihiin 5 kaliya.

IMG_1126 IMG_1144 IMG_1210 IMG_1233 IMG_1260 IMG_1394 IMG_1412 IMG_1426 IMG_1459 IMG_1556 IMG_1616 IMG_1626 IMG_1697 IMG_1770

Sawir Qaade: Xassan O. Baffo.

Previous Post

Xayiraad ka qaadista Axmed Nuur Jimcaale oo la soo dhaweeyay

Next Post

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleysta tartanka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleysta tartanka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa ku guuleysta tartanka Warbaahinta Qaranka "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ahna isku duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay

May 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka...

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta oo furay Tababar ku saabsan Ka Hortagga tabinta Hadallada Naceybka ee xilliyada Doorashooyinka

May 3, 2026
0

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka qayb galaya in ka badan 35 suxufi oo ka kala socda...

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

Dowladda Soomaaliya oo Xoojinaysa Iskaashiga dhanka Istiraatiijiga ah oo ay la leedahay Hoggaanka UNDP.

May 3, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada...

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka oo soo dhaweeyay gogasha wadatashiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

May 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS) iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay martiqaadka Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In