Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Weerarkii deegaanka Laanta Buure oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Weerarkii deegaanka Laanta Buure oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

taliye

Jeneraal Axmed Maxamed Buraale, Taliyaha Qeybta 12 Abril oo ay hoostagayeen Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Deegaanka Laantabuuro ee gobalka Shabeellaha Hoose oo xxalay weerareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u faahfaahiyay sidii uu u dhacay weerarka ay Saldhiggaasi Xalay ku soo qaadeen Malaashiyaadka Al-shabaab.

Related posts

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026

Jeneraal Buraale, Waxa uu sheegay in kooxda al shabaab ay Xerada soo weerartay laba jeer, iyagoo isku dayayay in ay qabsadaan xerada, balse waxa uu tilmaamay in ciidama oo Feejignaa ay iska caabiyeen weeraradaasi oo ay ku biloowday baabuur ay ku xiranyihiin walxaha qarxa.

Taliyaha wuxuu sheegay in Shan Askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa saldhigga ay geeriyoodeen labo kalena ay ku dhaawacmeen, halka maleeshiyaadkii soo weerarayna ay ugeysteen Qasaare intaas kabadan balse aanu Cayimi karin.

Sidoo kale Taliyaha Qeybta 12 Abril, ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka ay Qaateen laba gaari ay ciidamadu lahaayeen, isagoo beeniyay sheegashada kooxda al shabaab ee ah in ay laayeen Ciidamo badan ayna kaxeysteen gaadiid dagaal oo kabadan intaasi.

Gen Buraale ayaa Xusay in marna aysan u suuragalin maleeshiyaadka Weerarka Soo qaaday in la wareegaan gacan ku heynta xerada oo ahaa damacooda ugu weyn, wuxuuna intaa ku daray in kooxda weerarka soo qaaday oo aad u abaabulneyd ay Afar Jiho ka soo weerartay xerada, islamarkaana ay isticmaalayeen qaraxyo iyo hub culus, taas oo suurta galisay in ciidamada oo difaac ku jiray ay qasaare badan gaarsiiyaan maleeshiyaadkaasi.

Source: SONNA

Previous Post

Wasiir Maareeye: “Dowladdu ma mamnuucin mooto Bajaaj”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay dalka Jabuuti

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda...

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

Hay’adaha cadaaladda oo xoojinaya wada-shaqeyntooda

May 8, 2026
0

Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BJFS, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo masuuliyiin kale ayaa xay Muqdisho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In