Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur (Cabdisamad), oo ku eedeysan in uu shalay salaadda maqrib kaddib uu bamb-gacmeed ku weeraray bar-koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada amniga, kuna taalla Waaxda Xaawo Taako ee degmada Wadajir. Weerarka ayaa sababay dhaawaca saddex qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidanka amniga.
Dhagar-qabahan ayaa lagu soo qabtay howlgal deg-deg ah, waxaana la helay muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka amniga (CCTV) oo muujinaya dhagar-qabaha oo masaajid ka dawarsanaya kahor inta uusan sameyn falka, taas oo qeyb ka ah caddeymaha baaritaanka. Xogta hordhaca ah ayaa tilmaamaysa in uu ka tirsanaa dhagar-qabeyaasha abaabula weerarrada amniga lagu carqaladeynayo.
Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in eedeysanuhu sahmin ku sameeyay goobo amni oo Muqdisho ku yaalla, kana qeyb qaatay kala gudbinta bambaanooyin. NISA waxay baaritaan ku waddaa doorkii uu ku lahaa ugu yaraan 10 weerar oo bamb-gacmeedyo loo adeegsaday, kuwaas oo ka dhacay degmooyinka Kaxda, Garasbaaley, Dayniile, Daarusalaam, Wadajir, Hodan, Kaaraan iyo Heliwaa, sababayna dhaawaca 12 qof oo shacab iyo ciidan isugu jira.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay sii xoojineysaa howlgallada lagu beegsanayo xubnaha Khawaarijta, laguna burburinayo shabakadaha abaabulan. Muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish la wadaag NISA: 199 | 0770 747474 | 0620 545454.











