Saturday, August 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Maaliyadda DFS oo ku qabatay magaalada Nairobi kulan looga hadlayo midaynta dakhliga dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Maaliyadda DFS oo ku qabatay magaalada Nairobi kulan looga hadlayo midaynta dakhliga dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nairobi, 18, July, 2016…..Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi isugu keentay khubaro ka socota maamul goboleedyada dalka iyadoo ujeedka kulanku uu yahay in laysla meel dhigo sidii dowladda dhexe iyo maamulada goboladu uga wada shaqayn lahaayeen midaynta canshuuraha iyo kor u qaadida dakhliga ka soo xarooda furdooyinka iyo canshuuraha bariga.

Ugu horayntii xiriiryaha mashruuca Maamulka Maaliyadda Dalka (PFM) Farxan Cali Maxamud oo xafiiskiisu soo qaban qaabiyey kulankaan ayaa sheegay in shirkaan uu ka soo bixi doono guddi qaran oo sii amba qaada dhamaystirka midaynta dakhliga dalka.

Related posts

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026

“Shirkaan wuxuu ku saasan yahay dhinaca xiriirka maaliyada iyo sidii ay u wadaagi lahayeen dowlada dhexe iyo maamulada dalka ka jira dakhliga dalka, iyo kala qaadashad wajibaad shaqo, haday noqon lahayd dhinaca canshuur aruurinta, dhinaca fulinta shuruucda dalka u degsan iyo la socoshada hanti dhowrka dhinca dakhliga iyo kharashaadka baxaya. Waxaa kale oo laga wada hadlayaa sidii loo qaybsan lahaa dakhliga iyo deeqaha soo gala dalka iyo qayb ahaan sidii cid walba ay uga heli lahayd dowladda dhexe saamiga ay ku leedahay madaama dalka uu ka hirgalay nidaamka federaalku” Ayuu yiri farxan oo dhanka kale xusay in ay ku rajo weyn yihiin marka shirku dhamaado 7 maalin kadib inuu ka soo baxo guddi qaran oo arimahaas sii wado, waxaana la isla qaadanayaa waajibaadka shaqo ee gudigaan waxaana loo samaynayaa qorsha howleed waqtiyeeysan, iyadoo laysla fahmayo waxa fedaraalku yahay iyo waafajinta qaybta kaga aadan dhanka maaliyadda”

Shirkaan ayaa qayb ka ahaa mashruuca lagu hormarinayo maamulka maaliyadda dalka oo ka kooban mashaariic kala duwan oo kor loogu qaadayo tayeeynta maaliyada. wuxuuna mashruucaan soo bilowday sanadkii 2013, isagoona hada si toos ah uga hirgaly dhamaan maamulada gobolada, waxaana u qorshaysan 5-ta sano ee soo socota in lagu kharash gareeyo Soomaaliya 200,000,000 $ waxaana ilaa hada gacanta lagu hayaa 50,000,000 $ oo ka mid ah lacagtaas, waxaana bixinteeda iska kaashaday deeq bixiyaasha caalamka, waxaana si gooni ah gacanta ugu haya Bangiga Aduunka, iyadoo sidoo kale mashruuca PFM uu taageero ka helo IMF iyo Bangiga Horumarinta African.

Shirkaan ayaa daba socday shir uu bishii November 2015 uu isugu keenay Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti, dhamaan Wasiirada Maaliyadda ee maamulada gobolada, shirkaas oo laga soo saaray war murtiyeed lagu qeexaya in la sii amba qaado qorshaha qaran ee lagu midaynayo canshuuraha dalka laguna yeelanayo kulamo joogta ah oo laysku weydaarasanayo aqoonta iyo khibradaha shaqo.

Gabagabda shirka ayaa laga soo saari doono gudi farsamo si hoose uga abuura jawi ku dhisan is aaminaad marka laga hadlayo sida loo qaybsanayo kheyraadka iyadoo la qeexayo heerka canshuur oo ay qaadayso dowladda dhexe iyo canshuuraha kale oo ka soo xarooda goboladda, isla markaana la waafajinayo shuruurda canshuuraha ee dalka u degsan iyo sharciga dib u habaynta maamulka maaliyada (PFM-act )

Farhaan Nairobi_6 Nairobi_Meeting (1) Nairobi_4 Nairobi_2

Previous Post

Madaxweyne Sisi: Masar waxay taageeraysaa xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya

Next Post

Tababar loo furey ganacsatada yar yar ee Jubaland-Sawirro

Next Post
Tababar loo furey ganacsatada yar yar ee Jubaland-Sawirro

Tababar loo furey ganacsatada yar yar ee Jubaland-Sawirro

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

Soomaaliya Oo Dadaal ku bixineysa Horumarinta iyo Matalaadda Hay’adaha EAC

August 20, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS ahna ergayga u qaabilsan Soomaaliya Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), Mudane...

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha Jinsiyadda iyo Aqoonsiga ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay Tunisia

August 20, 2026
0

Maareeye Ku-xigeenka Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiraxmaan Saciid ayaa ka qaybgalay Shirka Sagaalaad ee Maareeyayaasha...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Ka Qaybqaadanaysa diyaarinta Warbixinta Waxqabadka Qaranka

August 20, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS Mudane Hamza Haadoow, ayaa maanta kormeer ku...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Madasha 7-aad ee Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

August 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa khudbad uu uga hadlayay horumarka Warbaahinta ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In