Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka madasha wadatashiga Qaranka oo ah kii ugu dambeeyay shirar ka dhacayay dalkeena Soomaaliya.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya madaxda maamulgoboleedyada dalka ka jira iyo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana looga arrinsanayaa arrimo la xiriira dhameystirka hannaanka doorashooyinka dhawaan ka dhici doona dalka.