Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtey kismaayo, sheegayna in uusan ahayn Murasha Maxwaynaha Dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
SAWIRO: Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtey kismaayo, sheegayna in uusan ahayn Murasha Maxwaynaha Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta Arbaco 10-August-2016 dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii Madasha Wadatashiga hogaamiyayaasha Qaran oo uu Kaga qayb galay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa kuwehelinayeen madaxweyne kuxigeenkii hore mudane C/laahi sheikh ismaaciil fartaag , Gudoomiyaha Baarlmaanka iyo xubno kakala tirsan labada gole ee xukuumadda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo Madaxweynaha kusoo dhaweeyay xubno katirsan golayaasha Dowladda waxaana uu mid mid u gacan qaaday dadkii garoonka kusoo dhaweeyay.

Shirjaraa,id oo uu Saxaafadda u qabtay ayuu Madaxweynahu kaga hadlay Shirkii lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho oo uu xusay in uu ahaa mid muhiim u ah Umada Soomaaliyeed.

“Waxaan is leeyahay wixii shirkaas kasoo baxay cid uu u dan ahaa oo si gaar ah loogu daneeyay ma jirto waxaana uu ahaa wax masiirka ummadda oo dhan ka talinaya hadii aan dhahno qolo hebal hala qanciyana wax la dhamaystiri karo ama soo dhamanaya maha balse wuxuu shirkaas ahaa mid aan ku gaarnay waxaan xalka u arkaynay” ayuu yiri Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca kooban ee ku yimid doorashada ayuu xusay in maalmaha kooban ay yihiin kuwo ku idlaanaya inta ay shaqadu socoto balse ay diideen oo aysan dalkan dan u ahayn in mudo kororsi la sameeyo.

“Wax mudo kororsi ah majiro mana aaminsani in ay ka badanayso maalmaha kooban ee shaqadu ay soconayso” ayuu yiri Madaxweynahu.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu hoosta ka xariiqay in uusan ahayn Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya balse uu soo dhawaynayo cid walba oo tartamaysa isagoo ka digay in laaluush la qaato ama labixiyo.

“Anigu Musharax mahi balse waxaan soo dhawaynayaa cid walba oo tartamaysa oo hami uu ku jiro balse laaluushka aan iska ilaalino oo hab xalaal ah aan wax ku raadino” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

thumbnail_S09A0151 thumbnail_S09A0144 S09A0203

………………DHAMAAAD………………..

Previous Post

Madaxwaynaha Dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo loogu soo Dhaweeyay magaalada Jigjiga

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo digniin u jeediyay Mareykanka

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo digniin u jeediyay Mareykanka

Madaxweynaha Turkiga oo digniin u jeediyay Mareykanka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In