Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayay dhiirrigalinta Ganacisga Haweenka Soomaaliyaa ayna soo qabanqaabisay Hay’adda Asal, islamarkaana ay ka qeybgaleen Wasiirrada Ganacsiga iyo Warshadaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Haween ganacsato ah, masuuliyiin iyo martisharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar, oo kulanka ka hadashay  ayaa ku boorrisay Shirkadaha Ganacsiga dalka in ay shaqo u abuuraan fursadna siiyaan haweenka Soomaaliyeed ee waxbartay, gaar ahaan gabdhaha.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hadda u soo jeesteen in ay ka qeybqaataan horumarka dalka, sida Siyaasadda,Ganacsiga iyo dhammaan adeegyada kala duwan ee bulshada, sidaa darteed waxaan leeyahay Hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiga fursad ha siiyaan gabdhaha waxbartay” ayay tiri Marwo Sahro.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa kulanka ka ballanqaaday in uu dhiirrigalinayo in haweenku ka dhexmuuqdaan bulshada, Hay’adaha deeqbixiyeyaashana ay kala kaashanayaan sidii maalgalin loogu sameynlahaa haweenka.

“Haweenka waa in ay fikardo ganacsi oo muhiima la yimaadaan si loo dhiirigaliyo, anigana Ka wasaarad ahaan waan taageyreynaa waxaana uraadineynaa maalgalin inay helaan haweenku anagoo la kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah, waana dhiirigalineynaa in haweenku Ka dhex muuqdaan ganacsiga” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid.

Shirka dhiirrigalinta Ganacsiga haweenka ayaa dabasocday shirar  Hay’adda Asal ay horay ugu soo qabatay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa gabdhaha Soomaaliyeed ee Waxbartay.

IMG_4228 IMG_4322 IMG_4336 IMG_4338 IMG_4339 IMG_4340 IMG_4345 IMG_4349 IMG_4355 IMG_4364 IMG_4373 IMG_4380 IMG_4382 IMG_4383

Previous Post

IMF oo amaantay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Next Post
Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo tartanka ka ciribtirtay Yaaqshiid, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 9, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

March 9, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

March 9, 2026
0

Magalada Muqdisho ayaa martigelisay munaasabad lagu daahfurayay Warbixinta Qaran ee Cimilada iyo Horumarka Soomaaliya, taas oo si wadajir ah u...

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekadaha IAPH

March 9, 2026
0

Dekedda Weyn ee Muqdisho ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha International Association of Ports and...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In