Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay dhiirigelinta ganacsiga haweenka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayay dhiirrigalinta Ganacisga Haweenka Soomaaliyaa ayna soo qabanqaabisay Hay’adda Asal, islamarkaana ay ka qeybgaleen Wasiirrada Ganacsiga iyo Warshadaha, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Haween ganacsato ah, masuuliyiin iyo martisharaf kale ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar, oo kulanka ka hadashay  ayaa ku boorrisay Shirkadaha Ganacsiga dalka in ay shaqo u abuuraan fursadna siiyaan haweenka Soomaaliyeed ee waxbartay, gaar ahaan gabdhaha.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hadda u soo jeesteen in ay ka qeybqaataan horumarka dalka, sida Siyaasadda,Ganacsiga iyo dhammaan adeegyada kala duwan ee bulshada, sidaa darteed waxaan leeyahay Hay’adaha iyo shirkadaha ganacsiga fursad ha siiyaan gabdhaha waxbartay” ayay tiri Marwo Sahro.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa kulanka ka ballanqaaday in uu dhiirrigalinayo in haweenku ka dhexmuuqdaan bulshada, Hay’adaha deeqbixiyeyaashana ay kala kaashanayaan sidii maalgalin loogu sameynlahaa haweenka.

“Haweenka waa in ay fikardo ganacsi oo muhiima la yimaadaan si loo dhiirigaliyo, anigana Ka wasaarad ahaan waan taageyreynaa waxaana uraadineynaa maalgalin inay helaan haweenku anagoo la kaashaneyna hay’adaha caalamiga ah, waana dhiirigalineynaa in haweenku Ka dhex muuqdaan ganacsiga” ayuu yiri Mudane Cabdirashiid.

Shirka dhiirrigalinta Ganacsiga haweenka ayaa dabasocday shirar  Hay’adda Asal ay horay ugu soo qabatay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe, kuwaas oo ujeedkoodu yahay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa gabdhaha Soomaaliyeed ee Waxbartay.

IMG_4228 IMG_4322 IMG_4336 IMG_4338 IMG_4339 IMG_4340 IMG_4345 IMG_4349 IMG_4355 IMG_4364 IMG_4373 IMG_4380 IMG_4382 IMG_4383

 

Previous Post

IMF oo amaantay kobaca dhaqaalaha Soomaaliya

Next Post

Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Next Post
Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Madaxweynaha oo la kulmay qeybaha bulshada Jigjiga

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In