Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ahna ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee mamulka gobolka Banaadir Mudane Ismaacil Macalin Cabdi Guure, Xildhiban Xasan Macalin, saraakil ciidan iyo mas’uuliyin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkenley Cabdifitaax Nuur Cali oo horey u ahaa gudoomiyihii degmada Kaaran.
Gudoomiyihii Hore ee degmada Dharkenley Cumar Meyre Macow oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhammaan maamulkii iyo bulshadii la soo shaqeysay mudadii uu gudoomiyaha ka ahaa degmadaasi.
Gudoomiyaha Cusub ee degmada Dharkenley Cabdifitaax Nuur Cali ayaa dhankiisa sheegay ka dalbay maamulka iyo shacabka reer Dharkenley in ay ku gacan siiyan ka shqqeynta horumarinta degmada.
Gudoomiye Ku xigeenka kowaad ahna ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda ee mamulka gobolka Banaadir Mudane Ismaacil Macalin Cabdi Guur oo munaasabada ka hadlay waxa uu kula dardaarmay labada gudoomiye in ay ka soo dhalaalan mas’uuliyada loo igmaday.
Xildhiban Xasan Macalin ayaa gaba gabada munaasabada sheegay in ay muhiim tahay horumarinta dowladanimada iyo isdhaxgalka bulshada.