Magaalada Baydhabo waxa odiyaasha dhaqanka uga furmay kulan waciigalin ah oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiyada Doorashooyinka dadban ee heer Qaran iyo kan maamulka Koofurgalbeed.
Kulanka oo socondoono muddo 3 maalimood ah ayaa si weyn looga doodi doono doorka hogaamiyayaasha beeluhu ay ka qaadan karaan Doorashooyinka la filaayo in dabayaaqada Sanadkan ay ka dhacaan Dalka
Furitaanka kulunka waxaa ka qeybgalay gudoomiye ku xigeenka gudiga doorishooyinka heer qaran, gudoomiyaha gudiga doorishooyinka dadban ee maamulka Koofur Galbeed, wakiilka xafiiska siyaasadda UNSOM u qaabilsan Magaalada Baydhabo iyo dhamaan odayaasha dhaqanka.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorishooyinka heer Qaran Deeqo Yaassiin Yuusuf iyo gudoomiyaha gudiga Doorishooyinka dadban ee maamulka Koofur Galbeed Maxamed C/laahi Mursal ayaa si wadajir ah u faahfaahiyey ujeedada Kulanka.
Qaar ka mid ah odiyaasha dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa muujiyey dereenkooda ku aaddan ka qeybgalka Kulanka, iyagoo soo dhaweeyay hannaanka ay u dhacidoonto doorashada.