Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawineyso sugidda amniga dalka.
Afhayeenka Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Masar ayaa sheegtay in dowladda Masar ay ka xuntahay weerarada ay Al-Shabaab ka geystaan dalka Soomaaliya.
Masar waxa ay sheegtay in Soomaaliya ay ka kala shaqeyn doono sidii looga hortagi lahaa weerarada ay geystaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dhaca Soomaaliya.
Dowladda Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojinayso taageerada dhanka amniga ee ay siiso dowladda Soomaaliya.
Masar waxa ay sheegtay in ay ka shaqeyn doonto sidii nabad iyo amniga ay ku nool lahaayeen dadka Soomaaliyeed.