Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afrika iyo Japan oo iska kaashanaya la dagaalanka argagaxisada

caqiil by caqiil
August 29, 2016
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyeyaasha qaaradda Africa iyo Japan ayaa waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah loola dagaalamo kooxaha argagaxisada iyo burcad badeeda si loo helo bay’a nabdoon oo ganacisga lagu horumarin karo.

Shirkii dowlada Japan iyo Afrika oo gundhigiisu ahaa iskaashiga dhaqaalaha oo Sabtidii Nairobi ka furmey oo ay ka qeybgaleen madaxweyniyaal iyo mataliyaal ka kala socday 54 wadan ee qaaradda ayaa laga soo saaray baaq wadajir ah kaas oo waxyaabaha ugu humiisan ah aheyd fursadsiinta dhalinyarada iyo haweenka qaaradda si kor loogu qaado doorka ay ka ciyaari karaan kobcinta dhaqaalaha gaar ahaan shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025

“Waxaan xalineynaa isla markaana horumarinaynaa xasiloonida iyadoo laga jawaabayo walaaca amniga ee jira. Waxaa sidoo kale xoojinaynaa awoodsiinta shakhsiyaadka  gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka anagoo fursad u siinayna waxbarasho, tababaro xirfadeed, fursado shaqo,” ayaa lagu yiri baaqii Nairobi oo shirka laga soo saaray.

Waa kii ugu horeeyay oo qaaradda Afrika lagu qabtay shirka (Tokyo International Conference on African Development) oo loo soo gaabiyo TICAD ahaana kii afaraad tan iyo markii daah laga rogay sanadkii 1993, iyadoo sanadkii 2013 lagu qabtay magaalada Yokohama ee dalka Japan.

Shirka TICAD oo ay wada yeesheen madaxda Afrika iyo Japan ayaa waxa ay isku raaceen in qorshe loogu magac daray Yakahama oo ahaa kobcinta dhaqaalaha iyadoo la sameynayo waddooyinka casri ah isla markaana maalgelin lagu sameyn doono daryeelka caafimaadka qaaradda, tignoolojiyada iyo maareynta musiibooyinka waxayna xukuumadda Tokyo ku bixin doontaa aduun gaaraya $32 billion.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan,Shinzo Abe, oo shirka ka hadlay ayaa balan qaaday in  $10 billion oo kale lagu maalgelinta doono ganacsiga sida gaarka loo leeyahay ee qaaradda Afrika.

“ Waxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go’an tahay in aan xidada u siibno argagaxisada rabshadaha wadata. Waxaan aduunka ugu baaqaynaa in la iska kaashado xoojinta la dagaalanka argagaxisada isla markaana kor loo qaado awooda laamaha amniga ee qaaradda,” ayay balan qaadeen.

Mr Abe ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dowladiisu ay ku bixin doonto $500 million tababaro xirfadeed oo loo sameyn doono  50,000 oo dhalinyaro oo Afrika ku nool si loooga hor joogsado in dhalinyarada ay ku biirto kooxaha argagaxisada sida Alshabaab.

Tokyo ayaa rajaynaysa marka la gaaro sanadkan 2019 ku dhowaan 9.6 milyan oo dhalinyaro ah ay ka faa’ideystaan qorshahan isla markaana la kordhin doono tirada deeqaha waxbarasho ee Japan siiso Afrika.

 

Previous Post

Dhageyso Howgal Xalay Laga Sameeyay Dharkeenleey

Next Post

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Next Post
Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In