Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro Kanada ka tirsan oo la kulmay Soomaalida dalkaas ku nool-Saiwrro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Wasiiro Kanada ka tirsan oo la kulmay Soomaalida dalkaas ku nool-Saiwrro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga dowladda Canada Honourable John McCallum oo ay wehliyaan Wasiirka Seyniska Honourable Dr Kristy Duncan, Xildhibaan Axmed Xuseen iyo Xildhibaan Borys Wrzesnewskyj oo labaduba ka tirsan baarlamaanka federaalka Canada ayaa maanta la kulmay Soomaalida ku nool gobolka Ontario ee dalka Canada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii dadka Soomaalida, gaar ahaan kuwa dhibaatootinka ka heysta arrimaha sharciga ay baahiyadooda ugu gudbin lahaayeen madaxda.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026

Qaar ka tirsan dadkii ka qeyb galay ayaa Wasiirka socdaalka, jinsiyadaha iyo arrimaha qoyska John MacCallum u sheegay in ay Canada joogaan waqti badan walina aanan la siin sharciga joogitaanka dalka.

Honourable John MacCallum, wasiirka socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa sheegay in xisbigiisa Liberal-ka uu ku talo jiro sidii loo fududeyn lahaa arrimaha dacwadda qoysaska iyo qaadashada sharciga.

Wuxuu xusay in aysan suura gal aheyn in sharciyo uu adkeeyay 9- kii sano ee la soo dhaafay xisbigii Conservative-ka ee iyaga ka horreeyay ay ku baddelaan 9 bil oo ay dowladdiisu jirto, balse ay qorsheynayaan inay wax badan baddelaan.

Xildhibaan Axmed Xuseen, oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Canada ayaa sheegay inuu mar walba u taagan yahay sidii Soomaalida ay u heli lahaayeen xaqa ay ku leeyihiin dalka Canada, islamarkaana uu diyaar u yahay sidii uu wax ugu qaban lahaa baahiyada jira isagoo la kaashanaya dowladda.

Xildhibaan Axmed Xuseen ayaa suura galiyay kadib markii uu noqday xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka Canada in Soomaalida oo dalkan deggen ku dhawaad 30 sano ay soo hor fariistaan wasiirro heer federaal ah, si ay u weydiiyaan wax ka qabashada baahiyadooda.

image4-300x225 image5-300x225 image6-300x225 image7-300x225

Barkulan

Previous Post

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Yemen

Next Post

Shirkadaha Jabaan iyo Afrika oo kala saxiixday 73 heshiis

Next Post
Shirkadaha Jabaan iyo Afrika oo kala saxiixday 73 heshiis

Shirkadaha Jabaan iyo Afrika oo kala saxiixday 73 heshiis

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

January 8, 2026
0

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan Maxamuud, ayaa shaaciyay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka shidaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In