Wasiirka arimaha gudaha ee dalka France Bernard Cazeneuve ayaa kulan la yeeshay culimada Muslimka ah ee degan dalkaas, waxayna isku afgarteen in la wanaajiyo xiriirka ka dhexeeya muslimiinta iyo dowlada isla markaana la unko hey’ad matasha dadka muslimiinta ah oo dhaqaalaha ku baxayana laga bixiyo gudaha France.
Dowladda France ayaa wadahdaladaas u aragta in ay yihiin kuwo bog cusub u fureya wada shaqeyn dhab ah oo ay wada yeeshaan muslimiinta dalkaas iyo xukuumadda.
Wadahadalka ay yeesheen wasiirka arimaha gudaha iyo xubnaha matalayay muslimiinta ayaa waxaa uu ka dambeeyay khilaafkii ka dhashay mamnuucidii ku dhowaad 30 magaalo oo dalka France ka tirsan ay ku soo rogeen in haweenka muslimka aysan qaadan karin dharka lagu dabaasho ee jirka oo dhan qariya.
Anouar Kbibech, oo ah madaxa golaha muslimiinta dalka France ayaa sheegay in uu ku hanweynyahay in kulankii Isniintii uu ahaa bilow wanaagsan.
“Horumarinkan wanaagsan waxaa uu dhameyn doonaa dhibaatada ka dhalatay mamnuucidda dharka ay xirtaan dumarka muslimka ah ee loo yaqaano burkini,” ayuu yiri.
Wasiirka arimaha gudaha dalka France Bernard Cazeneuve, ayaa carabka ku adkeeyay in sharciga dalkaas uu tixgelinayso diinta isla markaana ay aaminsan yihiin kala sooca diinta iyo dowladda.
Mr. Cazeneuve, ayaa sidoo kale sheegay in dhismaha ururkan uu doorkiisu yahay isku xirka muslimiinta France iyo dowladda.
Dhowaan maxkamadda sare dalkaas ayaa waxaa ay daaqadda ka tuurtay go’aanka lagu mamnuucay dharka Burkiniga loo yaqaano oo gabdhaha muslimiinta ah ay ku dabaashaan.