Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley amniga doorashada 2016

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha dalka oo kahadlay caqabadaha hortaagan dalalka qaaradda Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 2 September 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu baaqey inay ka wada shaqeeyaan nabadgelyada guud ee dalka, gaar ahaan waqtigan xasaasiga ah ee doorashada.

“Cadowga naf la caariga ah waxaa uu xaqiiqsadey in Soomaaliya ay hore u dhaqaaqdey, shacabkuna ay cagta saareen waddadii nabadda, horumarka iyo barwaaqada. Hadaba cadowga isagoo ka xun guulahaasi la gaarey waxaa isku dayi doonaa inuu carqaladeeyo doorashada iyo wax walba oo dan u ah ummadda. Sidaa darteed waa in loo midoobaa sidii looga hortegi lahaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo AMISOM inay si buuxda u dardar-geliyaan fulinta hawlahii lagu dhammeystiri lahaa guud ahaan sugidda nabadgelyada dalka, gaar ahaan amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta, maamuleyaasha iyo kormeerayaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha doorashooyinka.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada waxaa ka go’an inay cadowga ka suuliyaan qeyb kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo ay taasi jirto,ayaa haddana waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin gaar ah oo nabadda lagu sugayo waqtiga doorashada. Ciidammada Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxibada aan leenahay ayaana hawshaasi adag u diyaar ah inay qabtaan’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey qeybaha bulshada rayidka, warfaafinta, culumada iyo aqoonyahanada inay shacabka iyo dowladda kala qeyb qaataan sidii loo sugi lahaa amniga goobaha doorashooyinka.

—————-DHAMMAAD——————

Previous Post

Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

Next Post

Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka furmaya Jowhar

Next Post
Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka furmaya Jowhar

Wajiga labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo ka furmaya Jowhar

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Xildhibaan Dahabo Suusoow ku booqday Isbitaalka

Wasiirka Dekadaha XFS oo Xildhibaan Dahabo Suusoow ku booqday Isbitaalka

July 23, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta booqasho ugu tegay Isbitaalka...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In