Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dawladda ee todobaadkii la soo dhaafay+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 3, 2016
in Wararka
0
Waxqabadka Dawladda ee todobaadkii la soo dhaafay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 03 September 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; 10 Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo howgal amni lagu soo qabtay Lambar 50, Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereysa Waxbarashada, Horjooge Al-Shabaab nabad-qaatay oo Dowladda ay soo dhoweysey, Labo Al-Shabaab lagu tuhmay oo lagu qabtay degmada Dharkinley, Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo xariga ka jaray Xarunta Madaxtooyada ee degmada Baraawe, Ciidanka oo gacanta ku dhigay Gaari siday Walxaha Qarxa, Cutubyo ka tirsan ciidanka oo Tababar loo soo xiray iyo Taliska Ciidanka Asluubta oo la soo gaarsiiyey Qalab Ciidan.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

10 Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo howgal amni lagu soo qabtay Lambar 50

Ciidanka Dowladda oo garabsanaya ciidanka AMISOM ayaa bilaabay howgalo lagu sugayo amniga oo ay ka fuliyeen deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose. Ujeedada howlgallada ayaa ahaa sugida amniga iyo in deegaanada laga sifeeyo haraadiga nabad-diidka. Saraakiil ka tirsan ciidamada howlgalka ka wado deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen 10 ruux oo la tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin nabad diidka Al-shabaab. Saraakiisha ayaa shacabweynaha ku dhaqan deegaanada gobolka Shabeellada Hoose waxa ay ugu baaqeen in ay kala shaqeeyaan amniga si looga hortago qatarka kooxaha qaswadayaasha ah ee ku howlan carqaladeynta amniga iyo kala danbeynta.

Dowladda Mareykanka oo Soomaaliya ka taageereysa Waxbarashada

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’ada USAID ayaa 30kii August 2016 kala saxiixday heshiis Dowladda Mareekanka ay Soomaaliya uga taageeyrayso tayaynta waxbarashada iyadoo u soo marayso Hay’adda horumarinta caalamiga ah ee USAID. Xaflada saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirada Waxbarashada, Qorsheynta iyo Maaliyadda Soomaaliya, halka dowladda Mareykankuna ay joogeen Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya iyo madax ka socotay Hay’ada USAID. Safirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz iyo kaaliyaha dhinaca maamulka Afrika ee hay’adda USAID Linda Etim ayaa si wadajir ah u sheegay in mashruucan muhiimadiisu ay tahay kobcinta waxbarshada jiilka Soomaaliyeed ayna ku baxayso 64 milyan oo dolar, iyadoo wajiga koowaad kan ugu horeeya oo ay ku baxayso 17 milyan oo doolar la saxiixay 30kii August.

Horjooge Al-Shabaab nabad-qaatay oo Dowladda ay soo dhoweysey

Horjooge Sare oo la yiraahdo Ibraahim Adan Ibraahim oo ahaa Madaxa Waxbarashada gobollada Bay iyo Bakool oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA. Ibraahim ayaa caddeeyey inuuu isaga baxay Maleeshiyada Al-Shabaab, go’aankana qaatay mar hore, waxaana ku dhaliyay markuu arkay sida looga been sheegayo diinta islaamka iyo dhaqan galinta shareecada islaamka.

Labo Al-Shabaab lagu tuhmay oo lagu qabtay degmada Dharkinley

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri ayaa sheegay 29kii August 2016 in howlgal ciidamada amaanka ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir lagu qab qabtay labo nin oo la tuhunsanyahay in ay katirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay in labada nin laga qabtay agagaarka Dabakaaya madow, oo katirsan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, islamarkaana iminka ay ku jiraan gacanta ciidamada amaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Koofur-Galbeed oo xariga ka jaray Xarunta Madaxtooyada ee degmada Baraawe

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee magaalada Baraawe, waxaana ujeedka socdaalka ahaa xarig ka jirista Xarunta cusub ee Madaxtoyada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degmada Baraawe oo dhawaan halkaasi laga dhisay. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo ku soo dhaweeyay wefdiga degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukumada Soomaaliya Muumino Sheekh Cumar ayaaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ku ammaantay dib u dhiska Xarumaha wax tarka u leh Maamulka iyo Bulshada qeebaheeda kala duwan. Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Shariif Xasan ayaa Xariga ka jaray xarunta cusub oo ay yeelan doonto Madaxtooyda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, isagoo halkaasi ka sheegay in Degmada Baraawe laga dhisi dono Dekad ay ku so xirtaan Maraakiibta.

Ciidanka oo gacanta ku dhigay Gaari siday Walxaha Qarxa

Ciidamada Amniga ee dowladda ayaa fiidkii 29kii August 2016 ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaari nuuca loo yaqaan Kaarib oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo goobaha shacabka ay isugu yimaadaan. Xog ay heleen ciidamada amniga, ayaa suurta gelisay inay gacanta ku dhigaan gaariga oo yaalay afaafka hore ee Iskuul Xaawo Taako ee degmada Xamar Weyne. Ciidamadda Amaanka qaranka soomaaliyeed ayaa Har iyo Habeen waxay dadaal ugu jiraan ka hortaga weerarada kooxaha caadeestay daadinta dhiiga Umadda Soomaaliyeed.

Cutubyo ka tirsan ciidanka oo Tababar loo soo xiray

28kii August 2016 ayaa Munaasabad tababar loogu soo xirayey cutubyo katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka Danab lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo uu ugu horeeyey taliyaha ciidamada Xooga Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo xubno kale. Ciidamadan oo uu tababar uga socday mudo dugsiga tababarka ciidanka ee General Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho ayaa goobta kusoo bandhigay gaada kacayaar iyo xirfado kale oo muujinayey sida ay ugu diyaar garoobeen difaaca dalka. Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo halkaasi kula hadlay ciidanka, ayaa sheegay in ciidankan oo kamid ah Danab ay u diyaarsan yihiin sidii cadowga ay uga difaaci lahaayeen dalka, isagoo ciidankana kula dar daarmay in si daacad ah ugu adeegaan dalka.

Taliska Ciidanka Asluubta oo la soo gaarsiiyey Qalab Ciidan

Dowladda Talyaaniga ayaa Qalab Ciidan oo isugu jiray kabo, katiinada Maxaabiista lagu xiro, Dhar, koofiyado iyo Gaashaanka looga hortago Dibadbaxyada rabshadaha wato waxa ay ku wareejisay Taliska ciidanka Asluubta 27kii August 2016, waxaana ka Gudoomay Deeqdan Taliye ku xiggeenka Koowaad ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/guuto Cabdi Kaiim Cali Afrax oo ay wehliyeen Saraakiil ciidanka Asluubta ka tirsan. Gen Cabdi Kariim Cali Afrax Taliye ku xiggeenka Koowaad ee ciidanka Asluubta ayaa Dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey Taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta isagoo tilmaamay in Qalabkan lagu Wareejiyey ciidanka ay u Baahnaayeen islamarkaana uu ka haqabtiri doono dhinacyo badan. Korneel Bernardo Mencraglia oo ah Madaxa hay’adda Gargaarka Talyaaniga ee Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan ciidanka Asluubta Somaaliyeed waxaana uu xusay in ay ka go’an tahay ka qeyb qaadashada Dhismaha Ciidamada dalka Soomaaliya.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]
Tel. +252 61 2777736 Email: [email protected] – Muqdisho –Somalia

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Mas’uuliyiinta wasaarada waxbarashada. iyo Danjiraha China ee Soomaaliya oo sii sagootiyay arday deeq waxbarasho ka heshay dalka China

Next Post

Kulan ku saabsan xaqiijinta qoondada haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Kulan ku saabsan xaqiijinta qoondada haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan ku saabsan xaqiijinta qoondada haweenka oo lagu qabtay Muqdisho

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In