Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Afahyeenkii hore ee madaxweenaha Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa habeenimadii xalay gaaray dalka Sudan, waxaa garoonka caalamiga ah ee Khrtuum ku soo dhaweeyay madaxda safaradda Soomaaliya ee dalka Sudan ayna mataleeyeen u qeeybsanaha hiddaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. Cabduqaadir Guullane iyo Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah u qeybsanaha dhanka warfaafinta ee safaaradda Soomaaliya. xubno ka socday jaaliyadda iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan wax ku barata.
Ugu horeeyn waxaa wafdiga sharaxaad ka siiyay magaalada Khartuum ee xaruunta dalka Sudan u qeybsanaha Hidaaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. Cabduqaadir Guullane, isagoo sheegay in ay tahay Sudan dalkoodii labaad si niyad furanna ay u soo dhaweenayaaan .xalay uu la hadlay warbaahinta Qaranka.
Dhanka kale wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweenta balaaran ee loo sameeyay imaanshahooda khartuum iyagoo sheegay in ay u yimaadeen Sudan shir looga hadalayo ka hortagga arrimaha xag jirnimada oo dowladda Sudan ay marti galineeso ayuu yiri xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo la hadlay warbaahinta Qaranka.
Maanta ayaa lagu wadaa in uu furmo shirka ay u yimaadeeen wafdiga kaa oo ula jeedkiisu yahay ka hortagga arrimaha xag jirnimada.