Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qarax khasaare nafeed geystay oo ka dhacay waddada Wadnaha ee Muqdisho

caqiil by caqiil
September 6, 2016
in Wararka
0
Qarax khasaare nafeed geystay oo ka dhacay waddada Wadnaha ee Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex ruux oo rayid ah ayaa dhimatay afar kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii maanta gaari dad shacab ah ay saarnaayeen lagu qarxiyay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan maamulka degmada.

Xoghayaha maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, Maxamuud Cabdi Maalin, ayaa sheegay in sadexda qof ee dhintay labo kamid ah ay ahaayeen gabar iyo hooyadeed halka qof kale uu ahaa rag, waxaana qaraxa uu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmadaas.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

“Waxaa dhacay qarax aan u malaynayno in uu yahay miino oo ka dhacay suuqa bakaaraha gaar ahaan meel u dhow saldhiga booliiska ee degmada, wararka aan helnay waxaa ku dhintay gabar iyo hooyadeed iyo nin kale,” sidaa waxaa sheegay  Maalin.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan maanta lagu laayay dadka shacabka ah, hase yeeshee weerarada noocaan ah ayaa waxaa fuliya maleeshiyaadka Al-shabaab oo sidan oo kale horey baabuur dad shacabka ah la socdaan qaraxyo waddada ugu xirey.

Previous Post

Dowladda Masar oo dib u furtay marinka Rafax

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ku simaha safiirta Qatar ee Soomaaliya-Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ku simaha safiirta Qatar ee Soomaaliya-Sawirro

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay ku simaha safiirta Qatar ee Soomaaliya-Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In