Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Booliiska iyo Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay saldhig Booliis

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Booliiska iyo Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay saldhig Booliis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay saldhig cusub oo uu yeelanaayo degmada Waberi ee gobolka Banaadir.

Dhismaha Saldhiggaan cusub ayaa waxaa laga hirgaliyay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhismihiisa uu fududeyay maamulka gobolka Banaadir.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” oo ka warbixiyay dhismaha saldhigga cusub ee degmada Waberi ayaa sheegay in dhismaha saldhiga laga fuliyay mashruuca dalkaada dhiso oo ah mashruuc uu maamulka gobolka ugu talo galay horumarinta caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

“Hirgalinta Saldhigaan cusub waxaa fududeeyay mashruuca dalkaada dhiso oo ah mashruuc uu maamulka gobolka ugu talo galay horumarinta gobolka Banadir, waxaana bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay laba laabaan ka qeyb qaadashada mashruuca dalkaada dhiso oo haatanba muuqato miro dhalkiisa” ayuu yiri, gudoomiyaha gob Gudoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Yusuf Xuseen Jimcaale “Madaale”.

Taliya Ciidamda Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhankiisa tilmaamay in dhisamaha saldhigga cusub ee degmada Waaberi uu waxbadan ka badali doono amniga degmada iyo kan gobolka Banaadir, waxa uuna bogaadiyay dadaalka maamulka gobolka Banaadir ee la xiriira dhinaca horumarka iyo amniga.

“Saldhigga Cusub ee maanta la dhagax dhigay waxa uu qeyb weyn ka qadaan doonaa dadaallada nadabeed ee gobolka Banaadir, sidaa daraadeed waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay ka qeyb qaataan nabad galyada iyo la shaqeynta ciidamada amaanka” ayuu yiri, Taliya Ciidamda Boliiska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Saldhigga cusub ee degmada Waberi ayaa lagu wadaa in uu qeyb ka qaado amniga degmada Waaberi iyo kan gobolka Banaadir.

Previous Post

Daawo Sawirrada: Xarunta agoonta gabdhaha Boondheere oo laga hirgelinayo Ceel-biyood

Next Post

Ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar oo howlo burburin ah ka fuliyay Muqdisho

Next Post
Ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar oo howlo burburin ah ka fuliyay Muqdisho

Ciidamada ilaalinta deegaanka Xamar oo howlo burburin ah ka fuliyay Muqdisho

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In