Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho ka furmaya

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir madaxeedka wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa maanta waxaa uu ka furmi doonaa magaalada Mqudisho sida uu qorshuhu yahay, iyadoona ay ka qeybgali doonaan madaxweyniyaal iyo wakiilo ka kala socda todobada  wadan ee ururkaas uu ka kooban yahay oo kala ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Suudaan, Suudaanta koofureed, Uganda iyo Soomaaliya.

Afhayeenka madaxweynahay Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in shirka ajendihiisa ugu muhiimsan yahay labo arin oo kala ah xaaladda dalka Suudaanta koofureed iyo arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Dhanka kale, war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar sheegaya in shirka markale dib loo dhigay.

War-saxaafadeedka wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in shirka uu sidiisi yahay isla markaana aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya martigeliso shir madaxeed tan iyo sanadkii 1974 kol kaas oo magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii madaxweyniyaasha dalalka midowga Afrika.

Ururka goboleedka IGAD ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1986, iyadoo sidoo kale Soomaaliya horey u martigelisay shirkii wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD.

Maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay u diyaargarowga ku aadan martigelinta shir madaxeedka wadamada urur goboleedka IGAD.

Previous Post

Daawo Sawirada: sida looga ciiday bariga magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Next Post

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Next Post
Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In