Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho ka furmaya

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Shir madaxeedka IGAD oo Muqdisho ka furmaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir madaxeedka wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa maanta waxaa uu ka furmi doonaa magaalada Mqudisho sida uu qorshuhu yahay, iyadoona ay ka qeybgali doonaan madaxweyniyaal iyo wakiilo ka kala socda todobada  wadan ee ururkaas uu ka kooban yahay oo kala ah Djibouti, Ethiopia, Kenya, Suudaan, Suudaanta koofureed, Uganda iyo Soomaaliya.

Afhayeenka madaxweynahay Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in shirka ajendihiisa ugu muhiimsan yahay labo arin oo kala ah xaaladda dalka Suudaanta koofureed iyo arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Dhanka kale, war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar sheegaya in shirka markale dib loo dhigay.

War-saxaafadeedka wasaaradda ka soo baxay ayaa lagu sheegay in shirka uu sidiisi yahay isla markaana aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya martigeliso shir madaxeed tan iyo sanadkii 1974 kol kaas oo magaalada Muqdisho lagu qabtay shirkii madaxweyniyaasha dalalka midowga Afrika.

Ururka goboleedka IGAD ayaa waxaa la aas aasay sanadkii 1986, iyadoo sidoo kale Soomaaliya horey u martigelisay shirkii wasiirada arimaha dibadda dalalka IGAD.

Maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayay u diyaargarowga ku aadan martigelinta shir madaxeedka wadamada urur goboleedka IGAD.

Previous Post

Daawo Sawirada: sida looga ciiday bariga magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka

Next Post

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Next Post
Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Injineero militiri oo AMISOM tababar siinaya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In