Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

kulan amniga lagu lafagurayay oo Muqdisho lagu qabtay

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
kulan amniga lagu lafagurayay oo Muqdisho lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu qabtay kulan looga hadlay amniga doorashooyinka dalka, waxaana kulankaasi goob joog ka ahaa guddiga amniga doorashooyinka qaran, guddiga doorashooyinka heer federaal iyo qaar ka mid ah madaxda laamaha amniga dowladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo la xiriira amniga doorashooyinka iyo sidii loo heli laa istaraatiijiyad guud oo lagu hago amniga doorashooyinka oo lagu wado in uu ka dhaco gobollo kala duwan.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Avv. Sumar Dhageyr ayaa sheegay in loo baahan yahay nidaam guud oo lagu hago amniga doorashooyinka, si looga hortago qatarta kooxaha nabad diidka ee ku howlan carqaladeynta lagu wado in dhawaan ay ka dhacaan gudaha dalka, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga dowladda si looga hortago wax kasta oo qatar ku ah amniga.

Dhanka kale, qaar ka mid ah madaxda laamaha amniga oo iyana goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay ku dadaali doonaan sidii loo xaqiijin la haa amniga islamarkaana looga hortagi lahaa dhagarta cadawga ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Kulankaani ayaa ku soo beegmaya xilli gobollada dalka ay ka socdaan diyaar garowga doorashooyinka dalka oo lagu wado in uu dhawaan ay bilaawdaan.

Previous Post

Dhageysiga maxkamadda oo mar kale bilaabatay

Next Post

Kirliga ama Jalamadda aduunka ugu qaalisan

Next Post
Kirliga ama Jalamadda aduunka ugu qaalisan

Kirliga ama Jalamadda aduunka ugu qaalisan

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In