Tababar ay ka faa’ideysteen in ka badan 200 ardey oo wax ka barata jaamacadaha Muqdisho gaar ahaan kuliyadda Ingineerinka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Tababrkan oo hal maalin ahaa ayaa ujeedadiisu aheyd sidii loo tayeeyn lahaa aqoonta ardayda baratay Injineernimada, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalka.
C/naasir Axmed Maxamed oo ka mid ahaa macalimiinta wax ka dhigta jaamacadaha Muqdisho oo casharro ka bixinayay tababarkan ayaa shegey in dalku uu xilligan ku jiro dib u dhis, loona baahanyahey in la helo dhismooyin tayadoodu wngsantahey.
“Dhalinyarooy wadankeena waxa uu ku jiraa xiligii dib u dhiska iyo hagaajinta daarihii uu lahaa ee bur buray, waxaana fursad u heysataan inaad wax ka dhistaan wadooyinkiisa dabaqyada wadanka bilicdiisa kor u qaadeysa” ayuu yiri C/naasir Axmed.
Qaar ka mid ah ardaydaasi tababarka loo qabtay ayaa muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin aqoonta ay ka kororsadeen halkaasi iyagoo tilmaamay iney hormuud u noqon doonaan dib u dhiska dalka hooyo.
Godoomiyaha ururka siminaarkan soo qaban qaabyey Qaasim Xaaji ayaa sheegay in ujeedada ay tababarkan uu yahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta ardayda islamarkaana loogu baraarujin lahaa sidii ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.