Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya kulan wada tashi ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomalaiyeed.
Kulanka oo qeyb ka ah taxanaha talowadaag & xaldoon oo ay taabagelinayaan Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ka qabsoomay tiirarkii lixda ahaa ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhallintu ay Madaxweynaha u soo jeediyeen tallooyin dhaxal gal ah, oo qeyb ka noqon kara qorshaha qabyatirka howlaha Qaranka.
Dhallinyaradan oo ka kala timid qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyaro ciidamada ka tirsan, Dhallinyaro ganacsato ah, Dhallinta Garsoorka ka shaqeeysa ama bartay, Dhaqaatiir, macalimiin, u dhaqdhaqaaqayaal arrimaha bulshada, Dhallinyaro Gobollada ka timid, Qurbajoogta iyo wariyeyaal.
Dhallinyaradu waxa ay isla qireen guusha laga gaaray hirgelinta qorshaha lixda tiir oo ahaa qorshahii dowladeed ee ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya Janaayo 1991 iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la qabyatiro howlahaasi soo socday si loo gaaro horumar waara.
Madaxweynaha oo markii uu warbixannada dhageystay dhallinta la hadlay ayaa sheegay in talooyinka ay dhallinyaradu soo bandhigeen ay dhammaan ahaayeen kuwa dhaxalgal ah oo xilligii loo baahnaa ku soo beegmay.
“Dhallinyarada waa qeybta ugu muhiimsan bulshada, in taladooda la dhageysto oo dalka lagu hoggaamiyo waa lagama maarmaan, waxa ayna na gaarsiin kartaa horumarka aan hiigsaneyno” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay gebgabada kulanka.
“Lixda tiir waxyaabaha ka dhiman oo ay ka mid tahay in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, in tirakoob la sameeyo iyo waxyaabaha la midka waxaan ku soo bandhigi doonaa qorshaheyga” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.
Madaxweynaha ayaa ballan qaaday dhameystirka waxyaabaha ka harsan qorshaha lixda tiir isagoo tibaaxay in dalalka soo kabanaya ay markasta u baahan yihiin hoggaan sugan si loo adkeeyo tiirarka la taagay.
Bartamihii 2012 ayuu Madaxweyane Xasan Sheekh waxa uu soo bandhigay qorshaha lixda tiir oo kala ahaa xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Nabadaynta & dib-u-heshiisiinta adeega bulshada, ilaalinta midnimada dalka iyo xiriirka caalamiga, waxaa qeyb badan oo bulshada ah ay qirsan yihiin in wax badan ka hirgaleen, iyagoo garowsan in wax badana ay u baahan yihiin in waqti kale loo helo si loo dhameystiro.