Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dood fool ka fool ah oo xalay dhex martay Hillary Clinton iyo Donald Trump

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dood fool ka fool ah oo xalay dhex martay Hillary Clinton iyo Donald Trump
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dood fool ka fool ah ayaa dhex martay musharrixiinta madaxtinnimda Mareykanka, Hillary Clinton iyo Donald Trump oo markii ugu horreysay yeeshay dood si toos ah looga baahinayay telefishinnada.

Doodan oo socotay muddo 90 daqiiqo ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayay dhaqaalaha, canshuurta, xiriirka u dhexeeya dadka madowga iyo caddaanka ah ee Mareykanka iyo arrimaha amniga.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Trump ayaa Clinton ku eedeeyay in aysan la hayn kartida ay ku noqon karto madaxweyne, halka Clintonna ay Trump ku eedeysay in uusan ka war qabinba wacyiga jira oo uu ku nool yahay duni isaga u gaar ah islamarkaana uu diiday in uu shaaciyo canshuur celintiisa.

Clinton ayaa sidoo kale ku eedeysay Trump in uu amaan u soo jeediyay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

“Aad ayaan ug naxay markii Donald Trump uu ka dalbaday Putin inuu u jabsado cinwaanadeyda. Arrintaasi ma ahan mid la aqbali kara. Donald uma qalmo inuu noqdo taliyaha ciidanka” ayay tiri Clinton.

Donald Trump ayaa isagana ku eedeeyay Hillary Clinton inay khaladaad badan gashay markii ay heysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, isagoo si gaar ah uga hadlay heshiiskii Nukliyeerka Iran oo ay Clinton qeyb ka qaadatay wadaxaajoodyadiisa.

Heshiiskaasi ayuu ku tilmaamay mid masiiba u ah Mareykanka.Clinton waxay ku tilmaantay wax lala yaabo in Trump uu isbedalka cimilada ku tilmaamo been uu Shiinuhu abuuray.

Doodan waa tii ugu horreysay seddax dood oo dhexmeri doonta labada musharrax ka hor inta codbixiyayaasha Maraykanka aysan codkooda dhiiban 8 bisha Nofeember.

Previous Post

Nin Shan qof ku dilay Mareykanka oo la Maxkamadeynayo

Next Post

Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay suuqa been abuurka Cabdalla shideeye

Next Post
Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay suuqa been abuurka Cabdalla shideeye

Maamulka gobolka Banaadir oo mamnuucay suuqa been abuurka Cabdalla shideeye

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In