Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u soo magacaawday wadanka Koofur Sudan Mudane Xuseein Haaji Ahmed ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan wadankaasi la qaatay kulan isbarasho iyo xog-wareysi ah.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Juba ayaa waxaa ka soo qeyb galeen in kabadan 120 Xubnood,ย kuwaasi oo matalayey gudiyada ganacsatada ay leeyihiin, waxeyna warbixino iyo xaaladda ay ku suganyihiin siiyeen danjiraha cusub, iyagoo sheegay in uuย kusoo beegantay magacaabistiisa xilli muhiim ah oo ay baahi weyn u qabeen.
โWaxaan aan aad ugu Mahadcelinayaa Diblomaasiyiintii mudada u soo dhabar adeegay wadidda howlaha Safaaradda iyo bulshadii gacanta ku siisayโ ayuu yiri Danjire Hussein Haji Ahmed.
Guddiga ganacsatada Soomaaliyeedย ee kulanka la qaatay safiirka iyo xubnaha kale ee jaaliyadda ayaa iyana u balan qaaday danjire Xuseen Xaaji inay diyaar ula yihiin la shaqeyn wanaagsan sidii horaba ay ula shaqeynayeen safaaradda.
Ugu dambeyn Safiirka Soomaaliya ee wadanka Koonfurta Sudan Danjire Xuseen Haaji Axmed Maxamuud ayaa ugu mahadceliyey Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Sudan gacansiinta Safaaradda iyo midnimadooda, waxa uuna balanqaaday in ay sii laba jibaari doonaan howlihii ay bulshada u heysay Safaaradda.