Thursday, October 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
43 minutes ago
in Wararka
0
๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda oo ay hirgalinayso Jaamacadda SIMAD, taasi oo lagu horumarinayo waxbarashada sare, Cilmi-baarisyada iyo kobcinta xirfadaha ardayda Soomaaliyeed.

Raโ€™iisul Wasaaraha oo dhagax-dhigga kadib ka hadlay munaasabad kooban oo ka qabsoontay goobta loo asteeyay in laga hirgaliyo dhismaha ayaa sheegay in Jaamacadaha iyo heyโ€™adaha waxbarashadu ay yihiin albaabka isbbeddelka iyo horumarka bulshada, isaga oo xusay in aqoontu tahay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu dhiso mustaqbalka ummadda. Waxa uu adkeeyay mudnaanta ay leedahay in la helo xarumo waxbarasho oo casri ah, kuwaas oo ardayda siinaya aqoon iyo xirfado wax ku ool ah, kana qeyb-qaadanaya horumarinta dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka Jaamacadda SIMAD iyo maamulkeeda, oo dadaal badan ugu jira ballaarinta fursadaha waxbarashada, isaga oo sheegay in Qorshaha Isbeddelka Qaranka, ay qeyb ka tahay in dalka laga hirgaliyo Jaamacado iyo dugsiyo tayo leh oo soo saaraya aqoon, xirfado waafaqsan baahiyaha bulshada iyo suuqa shaqada.

โ€œWaxaan bogaadinayaa Jaamacadda SIMAD dadaalka joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta waxbarasada gaar ahaan Sayniska, Tiknoolojiyadda, Cilmi-baarista, kobcinta aqoonta iyo xirfadaha casriga ah. Hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed maanta waxa uu baahi u qabaa in ay helaan xareun lagu horumariyo Tiknoolojiyadda iyo Sayniska, waxaa Alle mahadiis ah in maanta ay soo kordhisay Jaamacadda SIMAD. Waxa aan rajeynaya in ay sii xoojiso isku xirka aqoonta iyo baahiyaha bulshada, si loo helo jiil Soomaaliyeed oo aqoon, karti iyo hal-abuur u leh dhismaha mustaqbalka dalkaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mashruucan oo loo dhisayo hab casri ah, ayna iska kaashanayaan heyโ€™adda Direct Aid, iyo Jaamacadda SIMAD, ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo kaabeyaasha waxbarashada sare iyo abuurista jawi ku habboon in barashada Sayniska iyo Tiknoolojiyadda, Xaruntan ayaa door weyn ka qaadan doonta horumarinta aqoonta iyo xirfadaha dhallinyarada, si ay ula jaanqaadaan isbeddellada xawliga ka socda.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa dhinaca kale ammaanay dadaallada heyโ€™adaha amniga iyo shacabka caasimadda ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, isaga oo tilmaamay in nabadda iyo xasilloonidunay muhiim u yihiin kobaca waxbarashada, maalgashiga iyo horumarka guud ee dalka iyo dadka.

Previous Post

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

๐‘/๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ ๐š๐ฑ-๐๐ก๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐“๐ข๐ค๐ง๐จ๐จ๐ฅ๐จ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐’๐ˆ๐Œ๐€๐ƒ

October 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐’๐š๐๐๐ž๐ฑ๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ซ๐ข๐ ๐š ๐€๐Ÿ๐ซ๐ข๐ค๐š

October 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In