Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaaladda caafimaad ee Abwaan Sangub oo soo hagaageeysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Xaaladda caafimaad ee Abwaan Sangub oo soo hagaageeysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) oo Maalmahan ku xanuunsanayay Isbitaalka Rajeb Tayib Erdogan, Ex-Digfeer ee Magaaladan Muqdisho ayaa la sheegayaa iney xaaladdiisa Caafimaad kasoo reyneysa.

Qaar ka mida ehelada Abwaanka, oo ku sugan Rajeb Tayib Erdogan Hospital, ayaa SONNA u xaqiijiyay inuu bed qabo , haatanna uu yahay Nin fariisanaya oo sheekeynaya kana baxay xaaladdii miyir daboolka ahayd.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Dadka ku sugan Dhaqtarka lagu dabiibayo Maxamuud C/laahi, oo ay ku jiraan Abwaanno , Suxufiyiin iyo Saaxiibbo Soomaaliyeed, ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu geeriyooday Abwaanku,hadalladaasina ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Baraha Bulshada, ayaa lagu baahiyay warar sheegaya inuu Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) u dhintay xanuun uu Maalmahan la jiifay Isbitaalka.

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise, ayaa in dhawaalaba ka sheeganayay Nabar kaga soo baxay gosha ama dhinaca, halkaasoo qalliin lagu sameeyay ka dib soo kicisay xanuunno kale oo ay ka mid yihiin Dhiig kar iyo Sokor, taasoo sababtay inuu gaaro xaalad halis ah.

Maxamuud C/laahi (Sangub) ayaa mar kale Dadka Soomaaliyeed ka codsaday iney usoo duceeyaan, inuu rabbi ka dul qaado xanuunka hayo.

Previous Post

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga oo badbaadiyay kumaanaan muhaajiriin ah

Next Post

Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro

Next Post
Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro

Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga oo Tababar u qabatay Gabdhaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed+Sawirro

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In