Ciidamada Mareykanka ayaa weeraray saldhig laga maamulo isgaarsiinta(radaarka) oo ku yaallla dalka yemen,kadib kolkii mar labaad maraakiibta dagaalka Mareykanka ee ku sugan badda Cas lagu weeraray gantaallo.
Warar ka soo baxay xafiiska Pentagonka ayaa sheegaya in qiimeyn hordhac ah ay muujineyso in la burburiyay sadex goobood oo ay yiilleen isgaarsiinta raadaarka ee laga hagay gantaaladii lagu tuuray maraakiibta dagaalka mareykanka ee joogay biyaha badda Cas.
Xafiiskaasi ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa xaga dhulka ee ay maamulaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageeraan dowladd Iiraan,waxaana intaa la raaciyay in duqeynta Marerykanka ee dalka Yemen ay ogolaansho uga heleen Madaxweyne Obama.
Sarkaal u hadlay mareykanka ayaa sheegay in ay ka jawaabi doonaan cabsi kasta oo ay dareemaan maraakiibta dagaal ee Mareeykanka,waxaana inta uu ku daray in duqentaasi ay tahay calaamad muujineysa ilaalinta danaha biyaha badda Cas iyo maraakiibta dalkaasi