Doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Galmudug, kaasi oo ay ku tartamaayan 19 xubnood.
Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Dowlad goboleedka Galmudug u matala aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa ku guuleystay kursiga aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib tartan saacado qaatay oo uu la galay musharax kale oo ay xilka ku loolamayeen.
Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay kursiga aqalka sare ee kaga soo aadey beeshiisa kadib markii shaqsigii la tartamayey Cabdi Qeybdiid uu ku dhowaaqay inuu tanaasulay, waxaana Qeybdiid dood la’aan, muran la’aan iyo sidoo kale waqti lumis dhammaaday uu u helay codka kursiga.
Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhegdheer” ayaa sidoo kale ku guuleeystay xubinnimada aqalka sare kadib markii uu ka guuleystay musharaxii la tartamayay oo ahaa Luul Maxamed Sheekh Cismaan.
Sidaasi oo kale Yusuf Geele Ugaas ayaa isaguna noqday shaqsiga afaraad ee ku guuleystay xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matali doona Galmudug