Wasaaradda arrimaha dastuurka dowladda Federaalka waxa ay mar kale furtay tababar la xiriirta dib u eegista Dastuurka.
Tababarka oo lagu qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeygalay mas’uuliyiin iyo shaqaale ka kala socday Dowladda dhexe iyo kuwa maamulgoboleedyada.
Siminaarka ayaa lagu soo bandhigay qodobada uu ka koobanyahay dastuurka oo ay ka mid tahay Federaalka ee u baahan dib u eegista iyo sida la isku waafajin karo Xeerarka dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada si waafaqsan Qaranimada dalka.
Wasiirka arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa sheegay in ay u baahan yihiin talooyinka dadka si ay cadaato awoodaha dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
“Waxaan u baahanahay talooyinkii si aan wax badan isku waajajino oo ay ka mid tahay in ay cadaato awoodaha dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah aad ayaan ugu faraxsanahay ka soo qeybgalkiina” ayuu yiri wasiirka dastuurka.
27-ki bishii July ee sanadkii 2015 ayaa Barlamanka Federaalka waxa uu soo saaray qaraar qeexaya in guddiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka uu soo saaro tabta loo wajahayo dastuurka, waxaana tan iyo markaasi socday kulamo iyo doodo la xiriira dib u eegista qodobada farsamo iyo kuwa siyaasadeed ee Dastuurka.