Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beesha caalamka oo si weyn u soo dhaweysay maamulka Hirshabeelle

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Beesha caalamka oo si weyn u soo dhaweysay maamulka Hirshabeelle
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qaramada Midoobay,Midowga Afrika,Midowga Yurub,IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden iyo United Kingdom ayaa si weyn u soo dhoweeyay dhamaystirka shirkii ka socday Magaalada Jowhar, kaasi oo Cali Cabdullahi Cosoble madaxweyne loogu doortay halka Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe loogu doortay Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi.

Beesha Caalamka waxay soo dhoweysay dhismaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle oo Madaxweynaha maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa toddobaadkan lagu doortay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle, iyadoo ugaga mahadcelisay Dowlada Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD sida ay dadaalka xooggan u geliyeen dhamaystirka Maamulada federalka ah ee Dalka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Warsaxaafadeed ay soo saareen beesha caalamka ayaa loogu baaqay Maamulka cusub ee Hirshabelle in uu si hufaan u soo dhiso Aqalka Sare iyo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka federalka.

War saxaafaeedka ayaa waxaa kaloo lagu xusay in Maamulka cusub uu u hogaansanaadaa sharciyada iyo heshiisyadii hore ay u gaareen Maamul goboleedyada sida soo xulista ergada Baarlamaanka iyo in la dhowro qoondada haweenka ee hore loogu heshiiyay ee ahaa boqolkiiba soddon.

Beesha Caalamky waxay sidoo kale ugu baaqday Maamulka cusub in uu dadaal xoog leh u galo sidii Dadka qabanaya xafiisyada Maamulka ay u noqon lahaayeen kuwo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay diyaar u tahay inay taageerto Maamulka cusub, iyadoo Maamulkana looga baahan yahay in uu dhamaystiro qorshayaasha uu ku doonayo in uu ku horumariyo bulshadia.
Warkani waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu Madaxweynaha cusub ee Maamullka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble la kulmay Madax ka tirsan Qaramada Midoobay.

Previous Post

Wasiir Odawaa oo sheegay in la soo dhamaystiray dhismaha Maamul-goboleedyada+Dhageyso

Next Post

Maxaa laga xusi karaa waxqabadkii Kacaankii 21-kii Oktoobar “Faallo”

Next Post
Maxaa laga xusi karaa waxqabadkii Kacaankii 21-kii Oktoobar “Faallo”

Maxaa laga xusi karaa waxqabadkii Kacaankii 21-kii Oktoobar "Faallo"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In