Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland oo la kulmay xubnaha Aqalka Sare u metelaya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland oo la kulmay xubnaha Aqalka Sare u metelaya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha aqalka sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya u matalaya Puntland, kuwaas oo khamiistii lasoo dhaafay ay doorteen baarlamaanka Puntland.

Kulanka quraac sharafta ah waxaa goob jog ka ahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Axmed Cali Xaashi iyo labada guddoomiye ku-xigeen, xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, Wasiirro iyo Agaasimka Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025

Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo quraacda kadib hadal dar-daaran ah u jeediyey xubnahaan Puntland u meteli doonaa Aqalka Sare ee dawladda Federaalka, sidookalena looga baahan yahay in muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Madaxweyne ku-xigeenka dawlad goboleedka Puntland waxa uu sheegay in xubnahaani ay yihiin kuwo uu shacabka reer Puntland kalsooni buuxda ku qabo isla markaana dhammaantood ku suntan horumarka iyo nabadda Puntland, taa beddelkeedana looga baahan yahay in aanay lumin kalsoonida buuxda ee uu shacabkoodu ku qabo.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxa uu ku boorriyey xubnaha aqalka sare u meteli doona Puntland in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan 54-ta xubnood ee uu ka koobnaan doono aqalka sare ee dawladda Federaalku, isagoo xusay in aqalka sare uu ka mid yahay himilooyinkii uu shacabka reer Puntland ku taamayey muddo badan.

Xunaha aqalka sare ee dawladda Federaalka u metelaya Puntland ayaa ka kooban 11 xubnood.

DSC_0986 DSC_0988 DSC_0992 DSC_0993 DSC_0995 DSC_0997 DSC_0999 DSC_1001 DSC_1002 DSC_1004 DSC_1006 DSC_1007 DSC_1008 DSC_1014 DSC_1017  DSC_1023

Previous Post

Xafladda Caleemo saarka Madaxda Hirshabeele oo ka socoto Jowhar

Next Post

Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Next Post
Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo “SAWIRRO”

Siminaar lagu baranayay Ilaalinta Caafimaadka Bulshada oo lagu qabtay Degmada Hobyo "SAWIRRO"

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In