Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa xafiiska ku qaablay Gudiga Hirgellinta Doorashooyinka dadban ee dowlad gobleedka Hirshabeelle oo soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad gobleedka.
Kulanka oo ahaa mid horudhac ah ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle waxa uu ku soo dhaweeyay Gudiga, si ay uga warbixiyaan waxyaabaha u qabsoomay.
Afhayeenka Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee dowlad gobleedka HirShabelle Cismaan Maxamed Muqtaar Baaray ayaa sheegay inay u yimaadeen Jowhar dardar gelinta howlaha doorashooyinka Qaranka.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan Jowhar imaanay maalintii Caleema saarka Madaxweynaah maalinkii ku xigay waan u hambalyaynayna Madaxweynaha iyo dowladiisa, waxaan u imaanay inaan hore u wadno howla na horyaala ee la xiriira soo xulista xildhibaanada Aqalka sare iyo golaha shacabka Jamhuuriyad Soomaaliya inta ka imaanysa goboladan maalmaha soo aadan insha allan waan howl galaynaa” Ayuu yiri Afhayeenka
Madaxweyaha Dowlad gobleeda Hirshabeelle Mudane Cali CAbdulaahi Cosoble oo soo dhaweeyya Gudiga Doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed ee Hir Shabeelle ayaa kula dardaarmay inay ku shaqeeyaan cadaalada.
“ Soo dhawaada ku soo dhawaada dowlad goboleedkiina, waan ku faraxsanahay inay si dagdag ah u soo ajiibteen dalabkeeni ahaa in la dardar galiyo howlaha soo xulista Xildhibaanda Qaran ee deegaanada Hirshabeele ka imaanaya, waan idin la shaqeynaynaa waxwalba oo dhankeena ahna waan idin fududeynaynaa insha allah, waxaa la idinka rabaa inaad dadkiina cadaalad ugu shaqeysaan iyo daacadnimo ayuu \yir Madaxweyne Cosoble’’
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in dowlad gobleedka uu soo dhaweenayo waliba si siman Murashaxiinta doonaya Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka.
“Waxaan soo dhaweynaynaa hadii aan nahay Hirshabeelle cidkasta oo doonaysa inay ka mid noqoto Barlamaanka Qaranka uu ku jiro damac siyaasadeed oo deegaankan ka soo jeeda, waxaan rabnaa haduu eeba idmo inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble.
Gudiga doorashoyinka dadban ee heer dowlad goboleed oo la dhisay ka hor dhismaha Hirshabeelle ayaa hada helay Dowlad goboleedkoodii iyo halkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo ah Caasimadda dowlad gobleedka Hirshabeelle ee Jowhar
Cabdishakuur Cali Axmed