Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ee Dawlada Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Cali Qoloocaw oo Safarkiisa ay ku wehelinayeen xubno ka socoday isla Wasaaradda Qorsheynta ayaa maanta Kulan la qaatey Kusimaha Madahaweynaha maamulka Koonfur Galbeed.
Kulanka oo looga hadlayey Ajandiyaal dhowr ah oo la xariira Qorsha Qaranka ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Wasiirro ka tirsan Maamulka, Waxaana Kulanka Shir guddoominaayey Maxamed Xasan Fiqi Kusimaha Madahaweyna Ahana Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
Cabdullaahi Sh. Cali Qaloocaw Wasiir Kuxigeenka wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dawladda Federalka Soomaaliya ayaa kulanka furitaankiisa ku faafahiyey Ujeedada ay Baydhabo u soo gaareen.
“Baydhaba waxaan u imaanay inaan kala tashano dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mashaariic ay Midwoga Yurub bixin doonto, taasoo ay maamul goboleedyada ay si toos ah u maamuli doonaan.”
Ku simaha Madahaweynaha maamulka Koonfur Galbeed ahana Wasiirka beeraha iyo Waraabka Mudane Maxamed Xasan Fiqi ayaa Soo dhaweeyey socdaalka Baydhaba ku yimaadeen wefdiga uu hoggaaminayey Wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskashiga Caalamiga ah ee dowladda Federalka Soomaaliya.
“Waxaan soo dhoweynayaa dadaallada Wasaaradda Qorsheynta ee dowladda Federalka, waana qorshe maqsuud galinaya dowlad goboleedyada, anagana waxaan ballanqaadeynaa in sidii loogu talo galay aan u maamulno\’
Dhinaca kale Ku simaha Madahaweynaha ayaa maanta Siminaar Aqoon kororsi ah u furay Ardayda lagu daah furi doono Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo Dhawaan uu Dhagaxdhigay Madahaweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan taasoo lagu baran Doono Sharciga iyo Qaynuunka. Siminaarkan oo la siinayey dhalliyaro Wax soobaratay ayaa laga soo xulay Ciidamada kala duwan ee maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo aqoontooda ay gaarsiisneyd heer Jaamacadeed.
Barafisoor ka socoday Dawladda Taliyaaniga islamarkaasina Kamid ah aas aasiyaasha Jaamacadda ayaa Siminaarka bixin doona Dhowrka maalin ee Aqoonkororsiga Dhalinyarada u socon doono