Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

NRC oo walaac ka muujisay xaalada beni’aadanimo ee sii xumaaneysa Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qoysas danyar ah oo deeq Raashin ah loogu Qeybiyay Gaalkacyo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Dowladda Norway u qaabilsan dhanka gar gaarka beni’aadanimo ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladda beni’aadanimo sii xumaaneysa ee ka jirta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, taasi oo sababtay colaadda ka taagan magaalada.

Agaasimaha hay’adda NRC ee qeybta Soomaaliya Cabdiqadir Axmed ayaa sheegay in kumanaan  dad ah ay isaga barakaceen colaadda magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo ah dad 60% si xoog ah ay u saameysay colaada iyo abaaraha ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Mudug.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Warbixinta ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in sanadkii 2015-ka ay magaalada Gaalkacyo ka barakaceen 90,000 oo qof, kuwaasi oo ku noolaa 13 ka mid ah xeryaha dadka soo barakacay ee koonfurta , halka ay iminka sii barakaceen 20,000 qof, saddexdii todobad ee la soo dhaafay kadib dagaalo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo 80% dadka baracay ay yihiin carruur, haween iyo dad da’ ah.

Hay’adda Dowladda Norway u qaabilsan dhanka gar gaarka beni’aadanimo ayaa ka deyrineyso xaaladaha ay ku noolyihiin qoysaski ka qaxay magaalada, kuwaasi oo aan iminka heysan wax gurmad ah, waxaana ay hay’addu sheegtay in roobabka deyrta ay ka curteen qeybo ka mid ah gobolka Mudug ay saameyn ku yeelan karto qoysaska Barakacayaasha ah, taasi oo laga cabsi qabo inay ka dhalato fatahaado iyo cudurada faafa sida kalooraha iyo shuban biyoodka, iyadoo hada ay jirto xaalado nafa dari ah oo soo food saartay carruurta iyo dadka da’da ah.

Hay’adda NRC oo tan iyo 2007 ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in ku dhawaad 5,000 oo qof ay gaarsiiyeen gurmad deg deg ah, inkasta oo ay hay’addu xustay in kaalmadasi aysan ahayn mid dabooli karta baahiyaha heysta qoysaska magaalada ka baracakay.

Hay’addu waxa ay ugu baaqday dhinacyada isku haya magaalada Gaalkacyo in waxkasta ay ku dhameeyaan wada hadal, isla markaana ay dhibaatada ka dulqaadaan shacabka lagu qasbay inay guryahooda ka barakacaan

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo shir Guddoomiyey shirka wadamada ku bahoobay ciidamada Birmadka ee Geeska Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In